mvn

Thursday, April 28, 2016

Dawo dabiici ah oo jirkaaga ka dhigi karta mid ifaya oo dhaldhalaalaya

Maalmahaan waxaa ku soo batay bulshada Soomaalida isticmaalka daawada la isku caddeeyo, waa la wada ogyahay dhibka ay leedahay, dhibka
ugu weyn ay keeni karta waa kansarka maqaarka, marka waxaa  jira naagaha marka ay dhalaan jirkooda dhaldhalaali jiray ayaa isbaddala intuu
dhero ayuu noqonayaa madow, marka waxaan rabnaa inaan u faa'idayno walaaleena Soomaaliyeed, waxaan u haynaa wax dabiici ah oo aan lacag
badan ka rabin oo jirka ifiya kana dhiga mid aad u qurxoon oo dhaldhalaalaya, istcimaalkiisuna fudud yahay, arrinkaan waxaa igu kallifay inaan
diyaariyo marka su'aal la isoo weyddiiyay  inshaa Allaah qoraalka waxaan ka soo tarjumay meelo lagu kalsoonyahay waana ku qancin doonaa, afar hab ayaan kuu sheegi doonaa midka aad rabto ka dooro

Caddeynta iyo dhaldhalaalinta


1- Cadaanka ukunta  iyo liin dhanaan iyo hal qaaddo malab cad iyo malab madow iyo hal qaaddo biyaha macdanta ah
dhammaan inta la isku qaso ayaa jirka la marinayaa waa laga tagayaa ilaa uu ka qalalo kaddib jirka waxaa lagu dhaqayaa biyo qandac ah


Caddeynta iyo dhaldhalaalinta

2-caddaanka ukunta  iyo liin dhanaan iyo wax yar sanjabiil ayaa si fiican la isugu labayaa kaddib jirka ayaa la marinayaa waxaa la sugayaa 15

daqiiqo kaddib waxaa lagu dhaqayaa jrika miyo qandac ah, inshaa allaa muddo kaddib waxaad ka dareemaysaa isbaddal weyn


Caddeynta iyo dhaldhalaalinta

3 -seddex qaaddo bur aad u fiican iyo caano fareesh ah iyo xabbad liin dhanaan, dhammaan waa la isku qasayaa ilaa ay noqdaan cajiin jilicsan

kaddib jirka ayaa lagu dhoobayaa waxaa la sugayaa muddo 20 daqiiqo kaddib waxaa lagu dhaqayaa biyo qabow, qabkan wuxuu u kordhinayaa jirka birbir iyo qurux

Dhaldhalaalinta iyo baabi'inta dildillaaca jirka

4-Jaallaha ukunta iyo hal qaaddo saliid ganlley iyo liin dhanaan si fiican ayaa la isugu labayaa kaddib
 jirka ayaa la marinayaa marquu qalalo waxaa

lagu dhaqayaa biyo qandac ah, sifadan jirka ayay ka sifaysaa laablaabka iyo jeexjeexa

No comments:

Post a Comment