marka hore waxaan ka hadlaynaa caloosha waxa weyneeya kaddib ayaan ka hadlaynaa waxa lagu yareeyo
Caloosha waxaa sababa dhowr waxyaalood waxaan xusaynaa inta ugu muhimsan
1- baruurta oo ku badata caloosha iyo inay daciifaan murqaha caloosha
2-dhaqdhaqaaqa oo yaraada sida ruuxa inuu badsado hurdada iyo fadhiga iwm.
3- inuu ruuxa liqo hawada marka uu cunayo cunto ama wax cabbayo taas waxay keenaysaa in hawada ay mindhicirada gasho
4- cashada kaddib inuu ruuxa seexdo isagoon waqti u dhexaysiinin hurdada iyo waqtiga
5-cunto nidaam la'aan in loo cuno
6- sigaarka iyo shiishada taas waxay keenaysaa in hawo caloosha gasho
7- cuntada sokorta leh ama dufinta in la badsado
maxaa caloosha lagu yareeyaa
marka hore iska ilaali sabahan aan soo sheegnay
teeda kale waxaad isku daaweyn kartaa shaah cagaar + sanjabiil cagaar + qasharka rummaanka oo qallalan + geedka (Mint) ama ( peppermint) lagu dhaho (nacnac) ( نعناع) habeenkii intaadan seexan ayaad isticmaalaysaa
No comments:
Post a Comment