Hooyada iyo uurjiifkaba uma fiicna inay dhinaca midig u seexdaan oo dhakhaatiirtu badanaa waxay kula talisaa inay u jiiftaan dhinaca bidix sababahaan soo socdo awgood:
- Hooyada haddii ay u jiifato dhinaca bidix waxaa kordha qulqulka dhiiga u socdo uurjiifka kaasoo muhiim u ah dhinaca nafaqada
- Kilyaha hooyada safiican ayay u shaqeeyaan markay dhinaca bidix u jiifsato
- Bararka lugaha iyo gacamaha way dagaan markay hooyada dhinaca bidix u jiifsato
- Uurjiifka cadaadis ma saaro xididada waawayn ee hooyada kuwaasoo dhiiga geeyo wadnaha hadday dhinaca bidix u jiifsato, waana arrin ay hooyooyinka dareemaan haddii ay dhinaca midig u jiifsato inuu naqaska ku dhagayo oo kale.
Waxaa kaloo muhiim ah in hooyada uurka leh aysan dhabarka iyo caloosha u jiifsanin khaasatan bilooyinka ugu dambeeyo uurka, sababtuna waxay tahay in ilmaha ay cadaadis saarayaan uurku jirta, dhabarka iyo xididada waawayn tan waxay hooyada u keenaa dhabar xanuun, baabasiir, neefsashada oo dhibto iyo cadaadiska dhiigga oo hoos u dhaco.
Intaa kadib, waxaa haboon in hooyadu ay dhinaca bidix u jiifsato markii ay uur leedahay khaasatan wixii ka dambeeyo bisha sadaxaad, haddii aad ka daashid hal dhinac waad is gedin kartaa laakiin u badnow dhinaca bidix, tan oo la xaqiijiyay inay caafimaad ugu jirto hooyada iyo uurjiifkeedaba.
somalidoc.cm
No comments:
Post a Comment