mvn

Tuesday, May 3, 2016

3qodob oo laga qaado cimri dagdag

cimri degdegQormadan oo aynu ka soo xiganay shabakadda MBC waxa ay soo ururinaysaa dhaqanno dhowr ah oo ay khubarada caafimaadku xaqiijiyeen in aanay u fiicnayn caafimaadka qofka, inta badanna ay sabab u yihiin cimri degdegga. Dhaqannadaas  waxa ay kala yihiin:
1.  Fadhiga badan: Dr. Muxamed Al-Axmedi oo isagu cilmibaadhistan hoggaaminayey ayaa sheegay in qofka uu Afar saac oo is xiga iyo ka badan fadhiyaa in uu khatar u yahay xanuunnada macaanka, wadne xanuunka, lafa-burburka iyo miisaankiisa oo kordha.
Waxa kale oo uu digtoorku sheegay in jimicsiga uu qofku maalintii sameeyaa aanu faa’idadii la rabay keenayn haddii uu qofku saacado ka badan kuwii jimicsiga fadhiyayo, isaga oo arrintaas ka hadlayana waxa uu yidhi, “In maalin kasta aa dhal saac jimicsataa waa talo caafimaad oo hadda waqtigeedii dhammaaday, waayo fadhiga dheer ayaa tuuraya dhammaan faa’idooyinkii uu qofku ka helay jimicsiga” Digtoorka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu ku taliyey, “Talada cusubi waa, in mar kasta oo aad fadhiga yarayso oo aad taagnaato in cimrigaagu sii krodhayo” Sidaa awgeed dadka shaqadoodu fadhiga u badan tahay waxaa lagula talinayaa in halkii saac ee fadhi ahba ay dhex geliyaan waxoogaa taagni ah ama waqtiyada qaar ay taagnida ku shaqeeyaan.
2. Sigaar nuugista: Cilmibaadhis Faransiis ah oo uu natiijadeeda faafiyey wargeyska Riyaad ee dalka Sucuudiga ka soo baxa ayaa lagu sheegay in qofka sigaarka nuugaa uu ugu yaraan 7 sano ka hor cimri degdego dadka da’diisa ah ee ay isku caafimaadka yihiin. Daraasadda oo tijaabadeeda lagu sameeyey dalka Faransiiska ayaa lagu ogaaday in maadadda Nicotine ee ku jirta sigaarku buuriga sigaarku in haddii qofku muddo dheer isticmaalo ay aakhirka ku keento cimri degdeg.
3. Baruurta: Cilmibaadhis ay sannadkii 2005 sameeyeen xeeldheerayaal ka tirsan jaamacadda Alabama ee dalka Maraykan ayaa daahfurtay in buurnidu ay ninka 20 sano oo dhamaystiran cimri dedejiyo. Daraasad kale oo iyadana sannadkii hore la sameeyey ayaa lagu ogaaday in buurnida caadiga ah iyo ta xad dhaafka ah labaduba ay cimriga qofku caafimaad qab ku joogayo gaabiyaan Siddeed sano, marka loo eego dadka ay isku da’da yihiin oo iyagu ka caafimaad badan.


No comments:

Post a Comment