mvn

Sunday, June 19, 2016

3 Xeeladood oo ku saabsan Cunooyinka Tabarta kuu yeelaya Soonka

Muslimiinta adduunka waxay ku guda jiraan gudashada bisha barakeysan ee Ramadaan, iyadoo laba jeer oo keliya ay wax cunaan, kuwaas oo kala ah afurka iyo suxuurta. Cunitaanka raashin aan tayadiisu wanaagsaneyn ayaa laga yaabaa inuu dhaawac gaarsiiyo hanaanka caafimaadka qofka, sidaas darteed waxaa lamaane-net uu idinla wadaagayaa maanta xeelado nafaqo leh oo welibana muhiim ah waqtiga ramadaanka, kuwaas oo wax weyn ka taraya habdhiska dheefshiidka qofka. Haddaba isku day inaad raacdo tilaabooyinka si aad maareyso hanaanka caafimaadka noloshaada, waxaana ay kala yihiin:
1. Ku afur Cunto fudud 11aadMarkii maqribka la gaaro ee aad afurto, waxaa wanaagsan inaad ku bilowdo cunto fudud oo aad ka fogaato cuntada culus ee dhadhanka leh- Cuntada fudud sahal ayay ku gudubtaa dheefshiidka, mana sababto dhibaato xagga dheefshiidka ah.
2. Waxaad u baahan tahay Miro Iyo Qudaar 2aadWaxaad isticmaashaa qudaarta ama geed miroodka nafaqada badan leh afurka iyo suxuurta, gaar ahaan kuwa xaddi biyo ah ay ku jiraan, habkaan ayaa kaa dhigaya marwalba inaadan fuuq bixin oo jirkaagu caadi ahaado.
3. Waxaad u baahan tahay suxuurta raashin protein iyo carbohydrate leh 3aadCuntada ay ku jiraan proteinka iyo iskudhiska carbohydrate-ka faa’iido weyn ayay u leeyihiin jirka, iyadoo qofku uusan baahi dareemeyn waqti dheer, sidaas darteed isticmaal boorash, digir ama cambuulo, lows iwm, waa hubaal inaad ku faa’iideyso cunista waxyaabahan suxuurta.

No comments:

Post a Comment