mvn

Tuesday, June 7, 2016

afur caafimaaad leh



Dacwashiirka iyo dibbirada waa dhibaatooyinka ugu badan ee laga sheegto bisha ramadaan, haddii aan soomaali dhahayne aad ayay noogu badan tahay dhibaatadaan.

Haddii aad dacwashiir ama dibbiro aad leedahay afurka ka dib, waxaa kaga hortagi kartaa adigoo raaca talooyinkaan.

:

  • Salaadda ka hor, ku afbillaabo biyo caadi ah iyo timir kaliya.
  • Salaadda ka dib, haddii aad oon dareemayso, u dib dhigo cabitaanka cunnada ka dib, sababtoo ah haddii aad biyo cabtid cunnada ka hor, dheefshiidka ayaa kaa xumaanayo, waadna ku laabjeexaysaa.
  • Iska ilaali in aad biyaha iyo cunnada isla isticmaashid ama biyaha aad ku kabato cunnada.
  • Haddii aad shaah ama qaxwo aad cabtid, wxaad ka dhiganaysaa cuntada ka dib maadaama ay dheefshiidka caawiyaan, laakiin cunnada ka hor, calool xanuun ayay keeni karaan.
  • Iska ilaali in aad cuntid cunnada saliidda lagu shiilay sida baradhada, suugada, bur saliidka iyo waxyaabaha subagga ama baruurta leh, maxaa yeelay intaasba uma fiicno calool faaruq ahayd saacado badan.
  • Cagaarka aan la karin iyadane sidoo kale waxay keenaan dibbiro ee ka fogow.
  • Afurka ka dib ha jiifsanin, haddii aad socsocon kartid ama jimicsi fudud samayn kartid caafimaadka ayaa ku jiro ee ku dadaal, hana ka mid noqon dadka iyagoo afurayo ama afurka ka dib Tv-ga hor fadhiisto, taasina waa dhibaato wayn oo aan lagu baraarugsanayn.
  • Ku dadaal cunnada aad cunayso in aad safiican u calaanjiso si caloosha shiiditaankeeda ugu fududaato oo aad uga fogaato daacoshiirka, dadka qaar ayaa si boobsiis ah cunnada u cuno iyagoo safiican u ruugin.
  • Haddii aad cunaysid fruits, ugu dambaysii liiska cuntadaada.
  • Haddii aad tahay dadka aanan suxuur cunin, ku dadaal in aad saxuurato ama xitaa wax yar aad cunto taasi waxay ka caawinaysaa caloosha in ay sii shaqayso ama dheecaannada dheefshiidkeeda isku dheelli tirnaadaan.
  • Haddii aad thay dadka afuro, kadibne casheeyo, haddane saxuurto, iska ilaali dharagta siyaadada ah, caafimaadka uma fiicno, isku dheellitir cuntada aad cunayso, una dhaxaysii waqtiyo macquul ah.


xigasho soomalidoc.com

No comments:

Post a Comment