
Qaabyada cusub ee tinta loo jaro ama loo baab'iyo way ku soo badanayaan dunida, awal xiiris kaliya ayaa la isticmaali jiray, hada waxaa la isticmaalaa kareemyo loogu tala galay, qalab koronto iyo gubis iyadoo la adeegsanayo laser.
Baab'inta tinta ee noocaan ah qaar waa mid joogto ah oo waxaa la dilayaa unugyada tinta soo saaro si aysan mar dambo u soo bixin, qaarne way soo baxayaan laakiin markii la deegsado qaababka aan kor ku soo sheegay lama fahmayo in meel la xiiray ay tahay.
Isticmaalka noocaan ah oo soo badanayo awgiis waa in dadka laga wacyi galiyaa dhibaatada ay keensan karto qaababkaan cusub.
Khaasatan dumarka oo u adeegsda in ay xaada iyo tinta ka soo baxdo lugaha iyo gacmaha ku rifo ama ku baab'iyo, ragga qaar ka mid ahne way isticmaalaan.
Dhibaatada ugu hrayso waxay noqon kartaa in maqaarka ay dhawac gaarsiiso ama ay xajiin ku bilawdo taasoo keensanayso in maqaarka uu is badalo, calaamadaha ugu horeeyo ee lagu fahmo waa meesha oo gaduudato, bararto waxyar ka dibne madoobaato oo haar samaysato.
Midda kale laserka ama korontada waxay badali karaan unugyada taasoo keensan karto haddii qaabkoodu badalmaan in kansar isku badali karaan ama midab u samayn karaan jirka.
Midda kale waxaa dhici karto in biyo galaan maqaarka ama uu adkaadaba.
Waxa kaloo halis ah hadii loo isticmaalo sunniyaha iyo meelaha khatarta ah waxay dhawac gaarsiin karaan indhaha ama faruuryaha hadii shaarbaha la jaro ama xaniinyaha hadii loo adeegsado tinta candhada ka soo baxdo (shuunka).
Tinta in lagu rifo ama joogto loo baa'biyo qaababkaan cusub diinteena suuban ma banaynin.
No comments:
Post a Comment