mvn
Saturday, June 18, 2016
cidi diifka /cidiyaha oo kudildilaaco maxaa keeno halkaan kabaro
Cididiiftu waa waa dildilaaca yaryar ee ku yimaada maqaarka ku yaala salka cidiyaha, kuwaaas oo fiiqfiiqmo oo aad ka dareentid xanuun marka aad goyneysid.
Dad badan baa ka sheegto arintaan, asbaabaha keenana waa lagu kala duwan yahay, waxyaabaha keeno waxaa ugu muhiimsan:
Dhaawac kaa gaaro cidida dhinaceeda oo aad u yar sida in aad wax ku xoqatid oo kale.
In xasaasiyad aad wax ku qabtid ay kaa gaartay faraha taasoo keenta in hilibka cididada uu qalallo oo fiiq fiiq yeesho.
Maqaar qalleelka ayaa keena sida dadka uu ku yaryahay vitamiinada qaar.
In aad gacmaha joogto u dhaqdo adigoo adeegsada wax kiimiko leh sida saabuuanda ama daawooyinka kale ee gacmaha lagu dhaqdo.
In cidiyaha aad marsatid wax dhib u geysan karo hilibka cididada taasoo cidi diif samayn karo.
Sida ugu haboon ee aad ula tacaali kartid cidi diifta haddii ay dhowr jeer kugu soo laalaabato waa in aad:
Iska ilaali in aad fiiqdo cid diifta, haddii kale way kugu soo laalaabanaysaa oo dhaawac joogto ah ayay isku badali kartaa.
Ku dadaal nadaafadda cidiyahaaga, iska daa haddii aad wax kiimiko leh gacmaha ku dhaqatid ama aad marsatid.
Kor qalleylka kaga hortag kareemyada leh petroleum-ka sida faasaliinta oo kale.
Haddii aad fiiqdid oo ay nabar yeelato oo barar ama dheecaan aad ku aragtid waxaad u baahnaan doontaa in aad qallajiyo u qaadatid oo aad dhakhtar la xiriirtid.
xigasho soomalidoc.com
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment