mvn

Tuesday, June 7, 2016

Howlgabka Qanjirka Dhuunta ee Thyroid (Hypothyroidism)

Waa maxay qanjirka dhuunta ee thyroid?
Qanjirka thyroid-ka wuxuu ku yaallaa dhuunta, wuxuuna labada dhinac ka xigaa tubada hawa mareenka qeybteeda kore sida sawirkaan hoose ka muuqdo, Qanjirka wuxuu soo saaraa dheecaano hormoon ah oo jirku uusan ka maarmi karin.


Waa maxay cilladaha ku dhaco qanjirka dhuunta ee thyroid?
Cilladaha qanjirka waxaa u badan laba nooc oo kala ah in qanjirka uu howlgabo oo uu keeno cudurka aan ka hadlayno hadda ee loo yaqaanno "Hypothyroidism" iyo inay dheecaannada uu soo deynayo siyaado noqdaan oo markaasne loo yaqaano Kacsanaanta qanjirka thyroid-ka, afka english-kane lagu dhaho "Hyperthyroidism".
Waa laba cudur oo lid isku ah, calaamadahooda iyo daaweyntaba way ku kala duwan yihiin.

Waa maxay howlgabka qanjirka thyroid-ka (hypothryoidism)?
Howlgabka qnajirka toroodhka macnihiisu waa in heerka dheecaanada hormoonka ee hoos u dhacaan, haddii hormoonno jirka ku filan uu qanjirka soo saari waayo waxaa qofka uu dareemaa ama ka soo muuqdo astaamo dhowr ah oo lagu garto xanuunkaan.
Xanuunka dhacsanaanta ama howlgabka qanjirka thyroid-ka wuxuu ku badan yahay haweenka da' dhaxaadka ah, dumarkeenna soomaalida aad ayuu ugu badan yahay, laakiin nasiib darro badanaa takhaatiirta si dhakhso ah kuma baraarugaan, maadaama calaamada la dareemo ay u ekaan karaan cudurro kale.
Haddii qofka xanuunkaan qabo aan la garanin, ma bogsado oo sheegashadiisa ayaa badato.

Waa maxay calaamadaha lagu garto howlgabka qanjirka thyroid-ka?
Calaamadaha la dareemo waxay ku xiran tahay heerka uu marayo xanuunkaaga, hadduu xanuunka uu muddo ku hayay waxaa dareemaysaa calaamado ka duwan markii kugu cusub yahay.

Calaamadaha oo la dareemo waxaa ugu horreeyo:
1- Caajis iyo daal (haweenka qaarkood, daal iyo tabar darri awgeed, markay xoogaa socdaan waa in ay nastaan oo ay fariistaan!!)
2- Qabowga oo aad dhibsatid ama xilliga qaboobaha oo caajiska aad kuugu bato.
3- Calool-fadhi
4- Miisaankaaga oo kordho adigoo aanan cunin cunto badan
5- Wajiga oo ku bararo ama aad dareento inuu buuxsan yahay ama daamankaaga ay buufsan yihiin.
6- Codka oo xabeeb yeesho
7- Murqo xanuun iyo tabardarri aadan si sahlan fadhiga uga istaagi karin illaa inaad wax qabsato ama aad afarta ku kacdo mooyee.
8- Kalagoysyo xanuun ama barar
9- Caadada oo kaa wareerto ama siyaado noqoto socodkeeda.
10- Tinta oo khafiifto ama inay kaa go'go'ayso aad dareento
11- Maqaarka jirkaaga oo boor boor yeesho ama qallayl noqdo
12- Hilmaan aadan horay u qabi jirin ama caajis maskaxeed.
13- Qanjirka oo soo kuusto ama bararo, qofkane uu dareemo in dhuunta laga ceejinayo. (xanuun-ka howlgabka qanjirka qasab uma ahan in qanjirka uu bararo).

Haddii aan la daaweyn, calaamadahaan way ka sii dareen oo qofka way ku xumaadaan oo waxaa dhici karto inay heer kale isku badasho oo cadaadiska dhiigaaga hoos u dhaco, neefsashada ku dhibto, heerkulka jirkaaga uu dhaco oo xitaa ay dhici karto in aad coma "suuxdin" gashid.

Caruurta wuu ku dhici karaa xanuunkaan calaamadaha laga dareemane way ka duwan yihiin kuwa aan kor ku soo xusay waxaa ka mid ah: indhaha iyo maqaarka oo jaallo noqdo sida cagaarshowga oo kale, sixasho markuu naaska nuugayo, carab weyn oo afka dibadiisa u soo baxsan iyo wajiga oo bararan, markuu xanuunka ku sii daba dheeraado waxaa caruurta lagu arkaa saxaro adeyg, murqaha oo daciif ah, dhaqdhaqaaq la'aan iyo hurdo siyaado ah.
Haddii si dhakhso ah looga gaari waayo, xanuunkaan wuxuu caruurta ku ridaa doqonnimo oo korriinka maskaxdooda ayuu wax u dhimaa.

Badanaa hooyooyinka qabo xanuunka kacsanaanta qanjirka thyroid-ka ee qaata daawooyin lagu dajiyo hormoonnada haddii ay uur yeeshaan iyagoo daawada qaadanayo, waxay caruurtood halis ugu jiraan in qanjirkooda uu howlgabo daawada hoyadood ay qaadanaysay darteed.

Maxaa keeno howlgabka qanjirka thyroid-ka?
Howlgabka qanjirka thyroidka waxaa keena: 
1- Caabuq ku dhaca qanjirka oo dila unugyadii soo saari lahaa dheecaannada hormoonka
2- In qof qabay kacsanaan qanjirka thyroidka ah la siiyay daawo dajinaysa oo badan taasoo keentay in qanjirka uu howlgabo
3- In qofka uu ku yaryahay jirkiisa maadada hormoonka laga sameeyo loona yaqaano "Iodine".
4- Qanjir kale oo maskaxda ku yaallo loona yaqaanno "Pituitary" shaqadiisane ay ka mid tahay in uu kontoroolo amarne siiyo qanjirkaan thyroidka oo cilladaysan.
5- In qanjirka gabi ahaantiisba qofka laga saaray xanuun ama buro ka soo baxday awgeed.
5- Daawooyinka qaar.
6- Uurka, hooyooyinka xilliga uurka ay ku jiraan qanjirka shaqadiisa way yaraataa.
7- Mida ugu dambayso waxay tahay in ay ilmaha ku dhalan karaan howlgabkaan haddii 

hooyada ay ku yarayd jirkeeda maada "Iodine" ama cunugaba uusan lahayn qanjirka ama qanjirka uu ka cillaydaysan xag eebbe.

Sidee lagu ogaan karaa in aan xanuunkaan qabo?
Waxaa lagu ogaan karaa in dhiigga laga baaro iyadoo la fiirinayo heerka ay joogaan dheecaannada qanjirka thyroid-ka inay dhacsan yihiin, inay kacsan yihiin iyo inay dabiici yihiin intaba.

Haddii aan qabo howlgab qanjirka thyroid-ka, daawo ma leeyahay?
Daawadu waa mid fudud oo ah in la qaato kaniini badala hormoonka maqan, daawadaas oo loo yaqaanno "thyroxine" oo hal kaniini la qaato maalin kasto si joogto ah inta aad nooshahay.
Daawadaan safiican ayay wax u tartaa calaamadaha oo idilne way qarsoomaan.
Waa muhiim in aad takhtar la xiriirtid inta aa daawada qaadanaysid si loo hubiyo cabirka kaniiniga lagu siiyay uu kugu filan yahay.

Talooyin:
- Ku dadaal in aad daawadaada joogtaysid.
- Haddii aad isku aragto calaamadihii oo dib kugu soo laabtay adoo daawada qaadanayo, takhtarkaa si dhakhso ah u la xiriir
- Haddii aad isku aragto dhidid badan ama wadna garaac, ku laabo takhtarkaaga, waxaa dhici karto in cabbirka daawada ay kugu badan tahay.
- Haddii aad doonaysid in aad uur qaadatid la tasho takhtarkaaga.

No comments:

Post a Comment