mvn
Tuesday, June 21, 2016
sida jirka iyo tinga loogu qurxiyo bocorka
Qormadaan waxaan idin kula wadaagaynaa sida la iskugu qurxiyo bocorka oo faaidooyin badan u leh jirka iyo timaha. Bocorka waxaa laga sameeya waxyaabaha la isku qurxiyo sida kareemo, saabuun, waxyaabaha la isku carfiyo, jeelka lagu qubaysto, dawada bishamaha qalalan iyo qaar kaloo badan,
-Bocorka waxaa ku jira enzymes iyo maadooyin la yiraahdo alpha hydroxy acids (AHAs), oo maqaarka jirka ka dhiga mid jilicsan oo dhalaalaya.
-Waxaa ku jira vitamin A, C iyo B oo maqaarka jilciya kana difaaca calaamadaha gabowga.
-Sidoo kale bocorka waxaa ku jirta macdanta zinc oo la dagaalanta finanka, islamarkaana caawisa daaweynta nabraha.
-Miraha bocorka waxa ay qani ku yahiin dufanka wanaagsan iyo vitamin E oo ilaaliya caafimaad maqaarka jirka iyo timaha.
-Sida mooska iyo miraha avocado-da, bocorkuna waxaa uu ka mid yahay khudaarta hodanka ku ah macdanta potosium oo timaha korisa. Bocorku waxaa uu sii gaar ah muhiim ugu yahay daaweyta timo daadashada, timo qalaylka iyo timo jajabka,
Sida wajiga loogu qurxiyo:
Waxaad u baahantahay:
Koob barkiis bocorka qasacadeysan ah ama mid aad karkarisay ah.
Ukunta qeybta jaalaha ah.
Hadii jirkaagu yahay nooca qalalan waxaad ku darsataa 2 qaado oo malab ah hadiisee uu yahay nooca saliida leh waxaad ku darsataa khalka tufaaxa.
Isku wada qas kadibna marso adigoo u daynaya mudo 15 ilaa 20 daqiiqo ah, kadibna iska mayr.
Sida bocorka loogu nafaqeeyo timaha:
Waxaad u baahantahay:
koob barkiis bocorka qasacadeysan ah ama mid aad karkarisay:
Koob barkiis caano garoor ah (Yogurt)
2 Qaado oo malab ah
1 Qaado oo saliid qumbe ah
Alaabta kor ku xusan oo dhan isku qas kadibna timaha marso, udaa mudo 15 daqiiqo ah kadib biyo qabow iskaga mayr
xisho daryeelmagasin
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment