Sidee loo noqdaa Arday Wanaagsan oo Guulaysta? -
Ma tahay arday? Haddii aad tahay arday ma rabtaa inaad noqoto arday hirgalay, oo guulaysta? Haddii aad “haa” ku jawaabto labadaa su’aaloodba, su’aal kale: “Sidee baad u noqon kartaa arday
wanaagsan oo aflaxa?”.
Su’aashaas ayuu maqaalkani isku dayayaa inuu ka jawaabo.
Inaad guulaysato iyo inaad guul daraysataa waa wax ku xidhan inaad marka hore hadaf iyo doonis leedahay. Hadafka iyo hiigsigana waxaa lagu gaadhaa dadaalka iyo tamarta aad naftaada galiso hadba inta uu leeg yahay.
Geel-jirahaa waxay yidhaahdaan “ninba tacabkii Togaay kaa maal” oo la macno ah hadba sida aad u foofiso geelaaga ayuu caanihiisu noqdaa. Sidoo kale maahmaahbaa waxay tidhaahdaa “dadaalaa xaaji Cabaas wuu gaadhaa wuuna dhaafaa”. Xaqiiqadu waxay tahay inaanad noqonahay arday wanaagsan oo guulaysta adigoon naftaada in badan hawlin, in badan wax akhriyin, in badan soo jeedin, oon marar badan qoraal iyo akhris ku foorarin iyadoo saaxiibadaa iska dheelayaan naftaaduna u baahan tahay wehelkooda.
- Qorshee waxa aad qabanayso isla markaana kala hormee jadwalkaaga waxbarasho.
Ardaygu waa inuu bartaa qorshaynta, iyo kala-mudnaanta hawlaha uu odorosayo. Qorshayntu waxay ka bilaaban taa inaad is-weydiiso “waa maxay hadafkaagu?”. Tusaale ahaan waxaad tahay arday imika Jaamacada bilaabaya. Maxaa hadaf kuu noqon kara? Waxaad odhan kartaa “sanadkan aan bilaabayo waxaan rabaa inaanan 5-ta maado een dhiganayo midna ka hoosayn 90%”. Hurdo badan, cayaar, iyo dheeldheelba kala tagte mar haddii hadafkaagu noqdo inaad figtaa gaadho. Waxaad markaa u baahan tahay inaad ka fikirto hawlaha aad qabanayso si aad u gaadho darajadaas aadka u saraysa.
Hawlaha lagaaga baahan yahay waxaa ka mida wax-akhris, qoraal, hawl-wadareed aad ardayda kale la wadaagto, baadhis ilaha kale ee aqooneed,iwm. Marka hawlaha aad qabanaysaa kuu caddaadaan waxaad u baahan tahay inaad kala hormayso, mudnaantana siiso kuwa waxbadan ku soo kordhinaya hadafkaaga.
Marka aad doorato hawlaha aad is leedahay haddaad qabato waad ku liibaanaysaa, is waydii waxaad u baahan ee khayraad ah sida buugta, internet-ka, lacag, qalab, saaxiibadaada aad isku galaaska tihiin, macalinkaaga, iyo cid kasta oo wax ku tari karta.
“Qorshaha wanaagsan ayuunbay nolosha wanaagsani ka bilaabantaa”.
2. Akhri, faham oo dadaal dheeraada bixi duruustaada
Xaqiiqadu waxay tahay in aqoontu ka dhalato, ku kobocdo, ku korto, kuna adkaato akhriska wax ku oolka ah ee fahamku weheliyo. Markaad tahay arday dadaalaya, mustaqbalkiisana dan ka leh, waxaa kugu waajiba inaad wakhti badan u hurto inaad akhrido duruusta laguu soo dhigay, ka shaqayso laylisyada, baadho culuumta la xidhiidha aqoontaada, iyo aqoonta guudba. Sidee baa hadaba ugu haboon oo wax loo akhriyaa? Jawaabtu ma fududa waxaanay u baahan tahay in maqaal ama maqaalo lagu lafa guro.
Laakiin aan ku siiyo hanaan aad loogu bogay oo ka mida hababka wax loo akhriyo. Waa hanaanka afka qalaad loo yaqaan “SQ3R = survey, question, read, recite, review”. Hanaankan haddii aad raacdo waxaad arkaysaa in waxaad akhriyaysaa aanay kuwada dhaafayn ee aad wax kala hadhayso. Eeg talaabooyinka oo si kooban loo sharxay:
Waan akhriyay halna ka garan maayo maaha laba is qabta. Haddii hanaankani uu kaa caawin waayo akhris wax-ku-oola, waxaad baadhaa hanaanada kale ee wax loo akhriyo ee la tijaabiyay. Hadda haw malayn in aad maalin qudha ku helaysid midhaha dariiqan iyo mid kale toona. Waxay u baahan yihiin samir, ku celcelin, iyo jilcin.
3. Falaska u soo xaadir si joogta ah
Soo xaadirka joogtada ahi waxay ardayga siisaa fursada ah inaan waxna seegin. Macalinka wanaagsan iyo ka aan wanaagsanaynba wuu ka faa’iidaystaa. Kaliya waxaa kugu filan fikrad galaaska dhexdiisa macalin ka sheegay oon buuga ku qornayn, haddii ay imtixaan ku timaado, waxaa la arkaa in kuwii joogay ay u fududaato halka ay ku adkaanayso kuwii habsaamay. Sideedabana waa caado wanaagsan in aad galaaska soo xaadirtaa, waxaanay kaa saacidaysaa in shaqadaada iyo waajibaadkaagaba aad u gudato si habsami, iyo xilkasnimo iyo masuuliyad leh.
4. Ka shaqee laylis-yada, shaqo-gurida, iyo wixii kale ee laguu diro isla markaana gudbi wakhtigii laguu qabtay ka hor.
Waxbarashadu maaha inta macalinku jeediyo uun. Qaybta ugu muhiim sani waa inta aad adigu qabato. Taasna waxaa kaw ka ah inaad si macno leh uga shaqayso laylis yada iyo hawl-aqooneedka laguu soo diro. Waxaan hoosta ka xariiqayaa in aad hore u dirto layliska, ama hawlaha laguu diro si aad u hesho aragtida macalinka ama cidda kuu dirtay. Haddiiba aad wax seegto waxaa la arkaa in fursad laguu siiyo aad ku hagaajiso adiga oon ka dib dhicin wakhtigii laysla qaatay.
5. Adaabta, asluubta iyo nidaamka fiican ku dhaqan.
Aqoon bilaa adaab iyo bilaa asluub ahi waxay kaa dhigaysaa dameer malab la saaray oo kale. Aqoontu waa inay kuu kordhisaa akhlaaq, haybad, iyo hanaan-nololeed wacan. Waa inaad ka dheeraataa liidnimada, xumaanta, iyo dhegxumada si aad u noqoto qof la hirsado oo dadku jeclaystaan in ubadkoodu adiga oo kale noqdaan.
Aqoon iyo akhlaaq wanaagsan oo is weheshaday waxay kaa dhigaan qof dhamays ah. Soomaalidu waxay tidhaahdaa “cilmigu qofna wuxuu ka dhigaa nin, qofna ninamyaw”. Taas oo macnaheedu yahay haddiiba aanad ahayn nin raganimadiisu aad u xoogan tahay waxay ku soo gaadhsiisaa raga, haddii aad markii horeba nin ahaydna, waxay kaa dhigtaa nimanyaw.
6. Wakhtigaaga maamul.
Wakhtigu waa hantida ugu qaalisan ee ilaahay aadamiga ku manaystay. Nin sheekha baa yidhi “wakhtigu waa nolosha”. Noloshu waa daqiiqado, saacado ama maalmo laysu geeyay oo noqday bilo, sanado ama qarniba.
Cimriga aadamuhu wuu xadidan yahay, markaa inta yar ee aad nooshahay waxaa lagaa rabaa inaad camirto, maal-galiso, kuna isticmaasho wax ku anfacaya aduun iyo aakhiroba. Sideebaa wakhtiga loo maamulaa? Jawaabtani ma fududa lagumana soo koobi karo cinwaan-hoosaadkan, ee bal aan si koobkooban kuugu sheego talaabooyinka uun:
Waxaa muhiima inaad iska ilaaliso waxyaabaha wakhtiga lumiya ama dayaca oo uugu wayn yahay “dib-u-dhigistu”. Arin walba waxaa fiican inaad qabato wakhtigeeda. Haddii aad dib u dhigto, wuxuu kordhiyaa uun culayska ku saarmaya beri. Carabtaa ku maahmaahda “hawl maanta aad qaban karto dib ha ugu dhigin berito”.
Waxyaalaha dhalinta wakhtiga ka lumiya imika waxaa ugu badan dhowr shay: daawashada kubada iyo filimada/musalsalada, fadhiisiga maqaaxiyaha, sheekada tilifoonka, iyo la jooga saaxiibada. Waxaasoo dhan waxaa aabo u ah “han yaraan iyo hadaf la’aan”.
Waxaa muhiima inaad maalintaada la noolaato oo aanad isku mashquulin wixii tagay. Waa inaanaf khaldin maanta wixii shalay kaa qaloocday, berina waa inaad ku talogashaa inaad qabato wax ka fiican wixii maanta.
Gabagabo
Ugu dambayntii, ardayga wanaagsani waa ka qorshaysta noloshiisa, hadaf samaysta, han iyo hiigsi leh, duruustiisa ku dadaala, wax badan akhriya, aan ka seexan waajibaadka loo soo diro, fasalka soo xaadira markasta, isla markaana wakhtigiisa ka fii’aadaysta.
No comments:
Post a Comment