mvn

Wednesday, June 22, 2016

soomali easy recapes

Mukawinaadka: ⅓ koob (47 garaam) laws kaashu ⅓ koob (47 garaam) laws fustuq ⅓ koob (40 garaam) laws woolnad ½ koob (63 garaam) budo sokor ¼ qaaddo yar (1.25 mililitir) hayl (shiidan) ½ qaaddo yar (2.5 mililitir) qorfe (shiidan) ⅛ qaaddo yar cusbo Diyaarinta xashwada lawska Diyaarinta: Saxanka foornada ku shub lawska, isku qas, kaddibna saxanka ku fidi. Ku dub foorno lasii kululeeyey 350°F/177°C muddo 10 daqiiqo. Dhig ilaa ay ka qaboobaan. Lawska shiid, kaddibna ku dar sokorta shiidan, haylka, qorfaha iyo cusbada. Si fiican u qas. Buuro La Gaduudiyay Mukawinaadka: 1 koob (227 garaam) buuro cusbo lahayn Diyaarinta buurada la gaduudiyay Diyaarinta: Bir dab dhexdhexaad saaran buurada ku rid. Gaduudi muddo 5-6 daqiiqo. Dabka ka demi markay xumbada degto. Xanshada ha gubin. Diyaarinta baqlaawaha Diyaarinta: Bir 9½ inji (24 cm) mari buurada la gaduudiyay. Cajiinka hal xabo birta saar, buuradana mari. Ku celi ilaa aad ka saartid 5 xabo, mid walbana buuro mari. Ku shub ½ koob lawska, kaddibna 5 xaboo bur saar. Bur walbo subag mari. Ku celi ilaa aad ka samaysid 5 fiilo —> laws —> 5 fiilo —> laws —> 5 fiilo —> laws —> 5 fiilo. Gabalo yaryar u jarjar. 3 QW buurada la gaduudiyey korka uga shub. Ku dub foorno la sii kululeeyey 300°F/149°C muddo hal saac iyo 15 daqiiqo. Syrabka ku shub, dhig ha qaboobo inta aadan qaddimin. Baqlaawe -

No comments:

Post a Comment