SALBUKa
Digirta salbukada waxa ay ka mid tahay waxyaabaha lagu magacaabo cuno maalmeedka (quutal daruuriga) waana dalag ka mid ah dalagyada inoo baxa ilaahay ku manaystay dalkeena.
Digirta siyaabo kala duwan ayaa loo isticmaala ku darsashada bariiska, kadhigista bajiyo iyo in goosaar ahaan loo isticmaalo.
Salbukada waxay leedahay protein iyo carbohydrate waxtarkeda waxaa ka mid ah in ay leedahay macaadin sida calcium, copper, magnesium, phosphor, potassium, silver, sulfur, folic acid, Vitamin B1, Vit C, Vit E.
Sido kale waxtarkeda waxaa ka mid ah in ay Xoojiso xibnaha jirka, baabi’isana jajabka wajiga, caloosha way jilcisaa, xabad xanuunka, waana qandha jabiye, sido kale waxa loo qaataa nafaaska (caadada) oo aan hagaagsaneen, waxay fududaysaa lafa xanuunka, dhabar xanuunka, daal bi’iye , dheefshiid xumida wax wayn bay qabataa, sokorta hoos ayay u dhigtaa, waxay xoojisaa difaaca jirka .
Digirta salbukada waxay ka hortagtaa kansarka dhiiga ku dhaca iyo baabasiirka, wando xanuunka, dhiig karka, nabraha wajiga ka soo baxa, suntan jirka way ka saartaa, dhiiga way nadiifisaa, maqaarkana way dhalaalisaa, culayska way siyaadisaa, sido kale waxay wax wayn ka qabataa qunfaca, cunaha, romatisimada iyo kalastaroolka.
No comments:
Post a Comment