Ma doonaysaa inaad maqaarkaaga iyo wajigaagu qurux badnaado oo uu dhalaalo adigoon isticmaalin wax chemicals ah, balse isticmaalaya waxyaabo dabiiciya oo waxba kuu dhiimayn?
Haddaba Waad noqon kartaa qofka aad rabtid waanad gaadhi kartaa bilicda aad rabtid adigoon isticmaalin chemicals ama creame yada dumarka lagu siro. Waxaan aad uga xumahay in uu noqday jidhka dumarku wax laga ganacsado caalamkan aanu ku nool nahay.
Iyada oo la ogaaday inay dumarku ku bixiyaan millions bilicda iyo daryeelka jidhka, Islamarkaana laga faa’iidaysanayo fursadaas oo kolba shirkadi ay soo saarayso cream ama daawo ay leeyihiin waxaas bay kaa goyn ama ka hortagi.

Laakiin xaqiiqdu wax ay tahay in cream ama daawo bilaa chimecals ahi aanay jirin, Markay ugu yartahay waxaa lagu daraa walxaha ka ilaaliya inuu shaygu uusan qudhmin gaadhina karo ama ooli karo mudo badan iyo waliba midabada. Waa markay uugu yartahay chemicals yada lagu daro cosmatics ka maanta.
Kuwaas waxaa inoo dheer chemicals khatar ah oo lagu isticmaalo, saabuunaha, shampoo yada, make up yada iyo cosmetic yada oo dhan oo keeni kara xanuuno xunxun sida cancer iwm.
Kuwaas waxaa inoo dheer chemicals khatar ah oo lagu isticmaalo, saabuunaha, shampoo yada, make up yada iyo cosmetic yada oo dhan oo keeni kara xanuuno xunxun sida cancer iwm.
Haddaba si aynu iskugu qurxino wax yaabaha dabiiciga ah waxaa lagama maarmaan ah inaad markeeda hore aad tahay qof cuna cunto isku dheeli tiran oo u badan khudaarta, caanaha, kaluunka, digiraha iwm.
Inaad tahay qof seexda hurdo kugu filan oo habeenkii ah iyo waliba caba biyo kugu filan maalin walba. Intaa wixii dheer waxaan muhiim ah inaad taqaanid waxa aad xasaasiyada aad ku leedahay, Waayo wax yaabaha aanu halkan ku sharixi doono way dhici kartaa inaad xasaasiyad ku yeelatid.
Ogowna waxaa dhici karta wax aad xasaasiyad ku leedahay xaga cunitaanka inuu maqaarka waxba u dhimin, ama wax aanad xasaasiyad ku lahayn waxaa dhici karta inuu maqaarka wax u dhimo oo aad ka xajiimootid. Haddaba inta aanad korkaaga marin wax ogow jidhkaagu nooca uu yahay iyo waliba waxa uu dhibsanayo.
lasoco qaybta labaad iyo waxaa marin lahayd
lasoco qaybta labaad iyo waxaa marin lahayd
No comments:
Post a Comment