mvn

Thursday, October 20, 2016

http://earnwithinvite.com/index.php?ref=233516http://earnwithinvite.com/index.php?ref=233516

Tuesday, September 6, 2016

Wataanaa alaabtii dadka wajiga qalalana ayku qurxinlahaayeen oo kuucadaynlahayd kana safari lahaa madmadowga iyo qolofta danaha qoraxda kaasoo racday

alaab wajiga  qalalana ah oo kuu cadayna 
Madowga iyo haaraha iyo qolofta wajiga saran  kaa qadayo aad kahelayso nuur iyo dhalaal Aadan wajigaaga ku arki jirin
1liinta liinta inbadanban baa kahadalnay faaidadeeda oo wajiga waxay kanadiifisaa wasaqda waxaan siisaa dhalaal waana dawo disho jeermiska
2yaanyo yaanyadu waxay wajiga kadhigtaa midjilicsan oo sulub ah wayna qoysaa wajigii qalalana  waxayana soo saarta madmadowga
3malab malabku waa dawo sida diinteenu inooshegty sidoo kaalana waa qurxiyaha jirka oo jirka sulub buu kadhigaa
Sidaan bn u isticmaalaa
1jeex liin dhanaana
2jeex yaanyo ah
3qado Malab ah
Liinta biyaheda iyo yaanyada biyaheda iyo malabka isku dar isku qas udaawajiga 15daqiiqo
Markaa biyo aan kulayn isaga dhaq
Saabuuna ha isticmaalin
Hadii Aaad sidaan maalin walba suubiso dadbadni waxay ku orandoonaan byo/abowe kareenkee marastaa
Insha alaah inuu ku anfacaan kuu Rajen
Fadlan hadii aad kaheshay qoraalkaan wle walahah gaarsii walahaha aan wali akhrisan lagayaabaa inay ayaguna kahelaane


Aad baa umahadsantihiin asxbtayda aan alle darti ujeahay sidaa ugu xirintihiin qoraladaydaa oo aad ulawadaagtaan walaalaha kale eemusliminta ah

Sunday, September 4, 2016

Labshay oo aad ku nadifin/cadayn karto wajiga saliida leh adigoon isticmaalin kiimiko


Asxbay manta waxaan idiin wadaa wax aad ufudud oo aad ku Nadiifin katid wajiga saliida leh  
Asxbta Wajiga qalalana waxaan idin soo wadaa idinka mid aad aad uga heli doontaan  Insha aalah
Aankusoonoqono wajiga saliida leh 
Waa alaabtaa aad sawirka ka arkaysaan
Kow waa inaa haystaa 
1ukun ah 
Labo Shay oogodan
Jeex liin dhanaana 
Qaado iyo fargeeto      
Ukunta jabi oo inta cad shaygodan kurido
Kan jaalahaa welkale kurido hada umabahnid 
Kan cad fargeetada kugaraac ilaa aad ka heshiheshid xoorcad oo caanahoo kale ah sidaa sawirka ka aragto 
Kadib liinta qaadada kutuuji oo halqaado liin ah kala bax  Kudar ukuntii cadeed ee aad qastay kadib mari wajigaaga udaa 15-20daqiiqo inta udhaxayso isticmaal  week kasta labo jeer  
Fadlan tijaabi oonalasoo socodsii waxaad kafaaido iyo siduu kugu shaqayay 


Tani waa arin xaqiiq ah oo aan tijaabinay 

Hadii aad kaheshay wle shergaree oogaarsii walalha aana wali akhriyin lagayaabaa iyaguna inay kahelaan fikirkiinuna waa  noo muhiim

5xeeladood oo aad u soo jiidan karto qof aad jeceshahy

Akhristoow hadii ay kula soo gudboonaato arintaan oo kale oo aad weydo sidii aad u heli lahayd ama ku kasban lahayd qofka aad jeceshahay qalbigiisa, waxaad kaga bogan kartaa dulucda maqaalka oo ah Sidee ku kasbankartaa qalbi kaa janjeera?). Sidaaad ku kasban karto qalbi kaa janjeera wey fududahay hadii aad sameeyso shuruudahaan soo socada.
1.Ugu horeyn ha noqon qof ku degdega u bandhigida ama ugudbinta qofka aad jeceshahay fariiintaada jaceylka.
Waa inaad tahay qof furfuran dabeecad wanaagsana leh.
3.Hadii aad tahay dumar waa inaad ahaataa qof xishood badan.
4.Waa inaad tahay qof qurux badan soo jiidashana leh.
Hadii aad tahay gabadh ama wiil ku dadaal sidii aad u ogaan laheyd qofka aad jeceshahay waxyaabaha uu xiiseeyo ama balwadiisu tahay adigoo aan weydiin qofka aad jeceshahay, Balse raadi waddo kale oo aad ku ogaan karto sida adigoo ka wareysanaya saaxiibkii ama saaxibadeed adigoo aan lagaa dareemin u jeedkaadu waxa uu yahay.
6.Mar walba uga sheekeey qofka aad jeceshahay waxyaabaha uu xiiseeyo.
Ogoow jaceylku indha malahan, Qofka uu qalbigaagu raacay hadii uu yahay qof balwadiisu wanaagsaneyn ku dadaal sidii aad uga waanin laheyd adigoo hadalo macaan kula hadlaya.
8.Qofka aad jeceshahay hadii uu yahay qof kaa fog oo aad laba wadan ku kala nooshihiin ku dadaal sidii aad u xiriirin laheyd mar walba adigoo telifoon kula hadlaya ama waraaqo lagu xardhay ereyo qalbiga u roon ugu diraya aalada casriga ah ee internetka, Hadiise aad hal wadan wada joogtaan, ama aad meel kawada shaqeysaan waa inaad mar walba ku soo dhaweysaa waji furan oo ay farxadi ka muuqato.
9.Qofka aad gaclootay hadii uu kaa fogyahay ama meel wada joogtaan noqo qof ka warqaba oo la qeybsada farxad iyo murug wixii soo wajaha.
Noqo qof loo xiiso marka uu maqanyahay iyo marka uu joogo.
Waa inaad tahay qof mar walba ilaaliya balanta.
13.waxaad ogaataa in kalsoonida aad ku kasban karto, waana inaad si weyn ugu kalsoonaato.
waa lagama maarmaan in aad faraxsanaato intaad qalbiga kaa jeeda aad kasoo jeedsan
Guntii iyo gabagabadii hadii aad intaa sameyso adigoo alle ku xiran waxaa xaqiiqa ah inaad kasbaneysid qalbigii kaa janjeeray waliba adoo afkaaga uga sheegan jaceylka aad u qabtid oo uu isaga kaalasoo hormari doono jaceylka aad qalbigiisa ama qalbigeeda ku abuurtay.
Waxaan ku soo gabagabeynayaa qoraalkeyga in aad dhalinyahay noqotaan kuwa ka fogaada waxyaabaha xunxun ee ay reer galbeedka ku dhaqmaan oo aanay diinteena islaamka waafaqsaneeyn.

habkii aad nolashaada ugu guulaysan lahayd









Aduunyada inta aan noolahay waxaan ku jirnaa siraac ama loolan aan kula jirno nafta iyo habka ay u noolaankarto hanaan kaasi oo kala duwan kuna xidhan hadba sidaa aad u waajahdo maamulka iyo maaraaynta nafta iyo hanaanka nolosha.
hadaba markaad dadka u fiirsato waxaad arkaysaa iyagoo noloshooda u maamulaya hanaan kala duwan qaarbaa waxay u arkaan maamul wanaaga hanaan nololeed ee nafta iyo ku maaweeliyaan hawada iyo hadba waxa ay naftu rabto inuu u sii daayo isla markaana hdex muquurto mawjado caqabado ah hadhawna uu maamuli kari waayo mustaqbalkiisa nololeed waayo sida ilahay kitaabkiisa caziiz ka ah uu inoogu sheegay naftu waxay inoo tahay cadawga koowaad waxaa kale oo ay had iyo jeer ina amartaa xumaan wax wanaag ahna kama hesho iyadoo ay sidaa tahay ayaa hadaad naftaada ku sii dayso hawadeeda waxaaad la kulmi kartaa guul daro waawayn oo saamayn way ama balaadhan kugu samayn doona mustaqbalkaaga nololeed una maaro heli maysid waxaanad ku danbayn doontaa jaha wareer iyo fahmi waa dhanka nolosha waxaanad ku danbayn doontaa waali.
sidaa awgeed si aad naftaada uga guulaysato waxaad iska ilaalisaa inaad raacdo hawadaad oo aad iska jeclaysato waxa ay naftaadu ka hesho waa inaad naftaada maamushaa oo u samaysaa hanaan wacan oo aad ku hagto isla markaana kuu horseedi kara guul wacan iyo badhaahde waxaad fahamtaa inaad ogaato ujeedada ilahay kuu keenay aduunka oo ah inaan ilahay kaligii caabudo oo aad ku talo gasho iaad aduunyada halbeeg u noqoto ku dayashana mudan.
inta badan waxaad arkaysaa dhalin yaro fara badan oo kala gara waayey sababta ay u noolyihiin una qaatay in hab nolool wanaagu yahay in waxaad doonto aad samayso wado kasta oo naftaadu ku amartana aad marto dabeto aad dhabarka ka jabto guuldarana aad bilawdo hadaad ogaato inaad tahay tusaale wacan oo aduunyada wax ka badali kara isla makaana aad fahamto in xigmada ilahay kuu abuuray ay tahay caabudid isaga u gaara taasina waxaad ku kaadhi kartaa barwaaqo aduun iyo mid aakhiro intaba.

hadaad aaminsantahay sacaadada iyo guusha in lagu gaadhi karo kaliya inaad tahriibto oo aad yurub u cararto hadhawna aad jahawareer kala kulato oo is ciilkaanbi iyo u qaadan waa ku dilo dabeeto aad dhuunta iska listo waxaad ku danbaynaysaa naarta jahanaba waayo hanaanka nolosha ayaad si khaldan u fahamtay oo waad luntay.

sidaa awgeed waxaan walaalayaa idiin soo jeedinayaa inaad fahamtaan hanaanka iyo maaraynta nolosha wacan taasi  oo ah tan ku qotonta kana biya cabta diinta islaamka hadaad sidaa samayso waxaad gaadhi kartaa nolosha iyo habsi u noolaanshaha wacan

waxaan ku soo xidhayaa maqaalka maanta ADOO GUULAYSAN KARA GODOON LA ISKAMA DHIGEE bilaw rajada nolosha iyo hanaankeeda wacan adigoo marka hore fahmaaya ujeedada ilahay aduunyada kugu beeray ama uu kugu abuuray intaasi hadaad si wacan u fahamto waxaa hubaal ah inaan guulaysan doonto insha allah.

Friday, September 2, 2016

sansaanka ilmaha maskaxda badan (qoraalxiiso badan )






Waalid kasta wuxuu dareemaa in cunugooda uu yahay mid ka duwan caruurta kale, laakiin waalidiin yar ayaa dareema in cunugooda uu leeyahay hibo aysan lahayn caruurta kale ama uu wax dheer yahay.

Sidaas awgeed waxaan qoraalkaan kaga hadli doonaa, waxyaabaha uu waalidka ku fahmi karo, caafimaad ahaane la isku waafaqsan yahay in looga qiyas qaadan karo in cunugaaga uu wax dheer yahay caruurta kale ama uu leeyahay hibo u gaar ah.

  • Saan-qaadka: marxaladaha ay caruurtu maraan ama ka gudbaan oo waqti hore lagu arko cunuga waa astaan lagu garto dagdagsiimada koritaanka jirka iyo maskaxda sida hadalka, fadhiga, socodka, adeegsiga erayada, la socooshada hareeraha, dareemidda dareenka dadka kale iyo waxyaabo la mid ah, ilmahaan waxay ka gudbaan maraxaladahaan waqti ka horeeyo ilmaha kale, si aad u ogaatid waqtiyada dabiiciga ah ee la fisho in caruurta ay ka tillaabaan marxaladahaas ka akhriso lifaaqa hoose.
  • Adeegsiga luqadda: caruurtaan waxaa lagu gartaa inay aad u dhageestaan hadalka waalidka iyagoo aad u yar, tusaale markaad u sheekaynayso ama wax u akhrinaysid, waxay jecelyihiin inay ku dhageestaan ama la socdaan hadalkaaga iyagoo dareenkooda isbadalayo marba sidaa wax ugu sheegtid, caruurtaan hibada leh in ay xiiseeyaan in wax loo akhriyo waxaa la dareemi karaa markii ay 6 bilood gaaraan, waxay kaloo si dhakhso ah ku bilaabaan adeegsida luqadda, waxaa laga yaabaa in ay weero dhameestiran ay ku hadlaan markii ay 14 bilood jiraan, ayna tilmaamidda jihooyinka ay raaci karaan markii ay 18 bilood gaaraan.
  • Xasuusta: caruurta hibada leh waxaa lagu gartaa inay wax xasuustaan markay yar yihiin, sida in ay xasuustaan alaabtii aad ka qarisay ama ay fahmaan in kushiinka ama jikada loogu talagalay wax cunista.
  • Wax xallinta: caruurta hibada leh waxaa lagu gartaa inay xalliyaan caqabadaha ka hor yimaado markay yar yihiin, tusaale in ay sariirta ka soo dagi karaan iyagoo da' yar jiro sida in ay wax isdul saartaan si ay sariirta u gaaraan am in haddii meel lagu xiro ay si sahlan oo caruurta ka wayn aysan ku fakari karin uga soo baxsadaan.
  • Diirad saaridda: caruurtaan waxuu alle awood u siiyay in ay hal shay ay diiradda saaraan muddo dheer, tusaale badanaa caruurta kale markay sheeko dhagaysanayaan ama ciyaarayaan kuma dhagaadaan oo way ka kacaan, laakiin caruurtaan hibada leh, illaa ay sheekada ka dhamaato inuu wax kale ku mashquulo ma jeclo ama caiyaarta inuu ka istaago illaa uu ka dhamaysto.
  • Foojignaan: caruurtaan aad ayay u foojigan yihin, haddii guriga ama hareerihiisa wax ku soo kordhaan horay ayay ka dareemaan, haddii ay maqlaan cod guriga ku cusub horay ayay ugu baraarugaan, hadduu buuq ama wax guriga ka dhacaan horay ayay kala caadifoodaan weliba iyagoo da' aad u yar jira, markii aad la hadlaysid indhaha in ay kaa fiiriyaan ayay jecel yihiin si ay iskugu dayaan in hadalkaaga u dhuuxaan.
  • Tirada iyo Sawirka: Caruurta hibada leh, waxaa lagu arkaa badanaa inay aad ugu fiican yihiin xisaabta ama tirooyinka iyo wax sawiridda, weliba waxyaabo aysan awoodin caruurta ka wayn labo ama sadax sano.
  • Caadifadda: Caruurta hibada leh waxaa lagu gartaa inay aad ula caadifoodaan dadka ay la nool yihiin, waxayna jecelyihiin inay kuu sheegaan sida ay dareemayaan ama ku waydiiyaan waxa kaa khaldan haddii ay ku arkaan adigoo murugaysan ama faraxsan ama aamusan, waana arrin aysan caruurta facooda ah laga filan ama kuwa ka waawaynba.
  • Khiyaalka: caruurta hibada u saaxiibka ah, waxay aad ugu dheeraayaan khiyaalka iyo wax suuraynta khaasatan markay ciyaarayaan ama sheekaynayaan, taasoo waalidka ka yaabin karto, 
  • Isku-xiridda dhacdooyinka: caruurtaan waxay jecelyihiin inay isku xiraan dhacdooyinka, tusaale haddii ay booqdaan guri kale, waxaa laga yaabaa alaabta taallo gurigaas iyo alaabta gurigooda taallo inay isbarbar dhigaan ama qolalka isku fiiriyaan ama biyaha laga siiyay gurigaas ay barbardhigaan biyaha gurigooda laga cabo, isku-xirka dhacdooyinkaan waxay caruurta hibada leh samayn karaan da' yar oo weliba aysan awood u lahayn caruurta ka waawayn.
  • Garashada: Caruurtaan waxay awood u leeyihiin inay si dhakhso ah u gartaan isbadalka ku dhacay hareerahooda, tusaale haddii waalidku tinta iska jaro ama ookiyaalaha iska siibo ama hooyada ay dharkii lagu yaqaanay kuwa ka duwan ay xirato, iyagoo aad u yar ayay garan karaan isbadalladaas.
  • Gooni u ciyaarista: Caruurtaan hibada leh waxay jecel yihiin inay gooni u ciyaaraan, ma jeclo inay koox ahaan u ciyaaraan, maadaama caruurta facooda aysan is dabci keenayn, sidaa darteed waxaa la arki karaa iyagoo keligood buug fiirsanayo ama keligood ciyaarayo, aad ayay u dhibsadaan in laga qaso ciyaarta iyo wax akhrinta markii ay kaligood yihiin.

Talooyin Muhiim Ah:
  • Qasab ma ahan in cunugaagu uu lahaado astaamahaas oo idil, qaar kam id ah ayuu lahaan karaa.
  • Waalidka fiirada dheer leh ama waqti la qaato caruurtiisa ayaa fahmi karo sifaatkaan ama dabeecadaha kor ku xusan.
  • Badanaa waxaa lagula taliyaa in waalidku uusan baarin caqliga ama maskaxda caruurtooda illaa ya ka gaaraan xilli dugsiyeedka, markaas oo si dabiici ah loo fahmi karo ama baaris caqli lagu samayn karo.
  • Waxaa jira caruur ilaahay siiyay hibooyinkaas qaar ka mid ah laakiin aanan awood u lahayn in ay wax bartaan ama dhibayso waxbarashada, marka waa muhiim in aad ogaatid in aysan ahayn cunug kasta oo hibooyinkaan leh inuu waxbarashada heer ka gaari doono ama cunugii waxbarashada ku xumaado inuu doqon yahay ama maskax yar yahay, maxaayeelay dad badan oo maanta dunida lagu tiriyo inay aad u maskax badnaayeen oo wax soo kordhiyay ay waxbarasahda ka hareen iyagoo yar, laakiin dunida ay ka faa'idaystay maskaxdooda.
    • Ogow caruurta ku dhalato wadamo shisheeye oo looga hadlo luqad kale in aan lagu qiyaasi karin hibada awoodda luqadeed ee caruurta kale.

Thursday, September 1, 2016

Talo ku socoto ragga xaasaska leh/xiliga isbadalka dumarka uyimaado xiliga caadada gabar adna taladaan qaado


Isbadalada ku dahca dumarka xilliga caadada ka hor waxaa caafimaad ahaan loo yaqaanaa "Premenstrual sydrome" loona soo gaabiyo "PMS" waxaa xaaladaan dareemo boqolkibia 85% dumarka, waxaana la dareemaa 7da illaa 10ka maalmood ee ka horayso xilliga caadada.
Waxaana lagu gartaa xaaladaan kacsanaan niyadda ah, xanaaq dhow, qofka oo si dhakhso ah shucuurkiisa isku badali karo, waxyaabo uusan dhibsan jirin inuu dhibsado, taasoo uu dareemi karo qofka wada shaqaynta ka dhaxayso khaas ahaan lamaanahaaga.

Waxaa dhici karto hadduu lamaanahaagu uusan aqoon u lahayn isbadalaadan ku dhacayo jirkaaga oo ka baxsan awoodaada in uu kuu qaato si kale amaba is dagaashaan ama xiriirkiina uu xumaado, laakiin hadduu fahmi lahaa ama ogyahay waxa jiro waa xilli aad u baahan tahay in la fahmo xaalada aad ku sugan tahay, taasoo wax badan kaa khafiifin karta.

Haweenka qaar waxay dareemaan xaalad daran oo keeni karta in caruurta iyo ninkaba ay ku jeesato oo gurigaba isku badalo buuq iyo dagaal.

Haddii aad dareentid xaaladahaas ogow hana isla yaabin waa arrin caadi ah oo ay kula qabaan dumar badan, laakiin waxaa habboon in ay fahmaan dadka kula nool khaas ahaan xaaskaaga si uu kuugu turo, kulana qeybsado culeyska ku saaran.

Astaamaha lagu garto xaaladdaan:
  • Kacsanaan niyadda ah
  • Xanaaq
  • Niyad jab ama we
  • Oohin iyo isxumayn
  • Qofka oo wax uusan dhibsan jirin dhibsado
  • Hadal kulul ama hadal adag
  • Murugo iyo caro isla socoto
  • Neefoosnimo iyo hadalka oo si kale loo fasirto


Maxaa keeno cilladaan?
Inkastoo cilmibaarayaashu aysan sida dhabta ah u ogeyn qaabka ay ku timaado cilladaan laakiin waxaa la ogyahay in ay la xiriirto isbadallada hormoonka ee jirka ku dhaca khaasatan hormoonka loo yaqaano "estrogen"
Furriinka iyo shaqada oo la waayo ma keento xaalada "PMS" waa arrin la xiriirto caadada kaliya.

Sidee arintaan loo xalliyaa?
Haweenka badankood waxay ku fiicnaadaan markii ay badalaan nolol maalmoodkooda, laakiin kuwa aadka u daran waxaa la siiyaa daawooyin, kuwaas oo niyadda dajin karo.
Waxyaabaha dabiiciga ah ee lagu kontarooli karo xaaladaas waxaa ka mid ah:
  • Jimiscisga: Jimicsiga, dabaasha, socodka iyo ka bixitaanka guriga waxay caawisaa arrintaan in ay dagto.
  • Cunnada oo la yareeyo oo la cuno dhowr jeer oo siku dhow-dhow iyadane waxaa la arkay in ay ka qayb qaadato dajinta kacsanaanta qofka.
  • Kaalsiyamka oo la qaato iyadane waxaa lagu arkay inuu yareeyo waxyaabo badan oo ka mid ah astaamaha la dareemo laakiin lama ogo qaabka uu kaalsiyamka uga qeyb qaato arrintaan.
[liKa fogow cunista waxyaabaha macmacaan, cabista kaffeega iyo maandooriyayaasha.[/li]
[li]Waxaa kaloo muhiim ah in lamaanahaagu fahansan yahay xaaladaan iyo waxyaabaha aad dareemayso si uu qeyb uga noqdo xalka, haddii usuan ogayn ama fahansanayn ama u fasirto in ay tahay edeb darro iyo wax kale waxay keeni kartaa dhibaatooyin dheeraad.[/li][/list]

Talo ku socoto ragga xaasaska leh:
Ragga xaasaska leh waxaan leeyahay in aad ogaataan arrintaan idinkaa uga baahi badan xaasaskiina maadaama aad tihiin dadka saamaynta ay ku yeelanayso, haddii aadan fahminne waxay keeni kartaa isfahan darro, shakki iyo isneceyn, fadlan xaaskaaga u tur, la caadifoo oo la fahan xaalada ay ku sugan tahay, waa arrin ilaahay ku abuuray oo ka baxsan awoodeeda ma ahan wax ay iyada iska yeelyeelayso ama xakamayn karto.
Wixii aad ku caawin kartid oo niyadeeda dajin karo ama ka qeyb qaadan karo inay ka khafiifiyaan arrintaan in aad la timaado, wixii aad dhibsatidne in aadan waxba ka soo qaadin, haweenka markay xaaladaan ka baxaan aad ayay iskula yaabaan markaa u sheegtid wixii ay samaysay ama qaabkii ay kuula hadashay, taasi waxay tilmaan u tahay in markii ay xaaladaan ku jirto in aysan caadi ahayn.







#. soomalidoc