mvn

Sunday, September 4, 2016

5xeeladood oo aad u soo jiidan karto qof aad jeceshahy

Akhristoow hadii ay kula soo gudboonaato arintaan oo kale oo aad weydo sidii aad u heli lahayd ama ku kasban lahayd qofka aad jeceshahay qalbigiisa, waxaad kaga bogan kartaa dulucda maqaalka oo ah Sidee ku kasbankartaa qalbi kaa janjeera?). Sidaaad ku kasban karto qalbi kaa janjeera wey fududahay hadii aad sameeyso shuruudahaan soo socada.
1.Ugu horeyn ha noqon qof ku degdega u bandhigida ama ugudbinta qofka aad jeceshahay fariiintaada jaceylka.
Waa inaad tahay qof furfuran dabeecad wanaagsana leh.
3.Hadii aad tahay dumar waa inaad ahaataa qof xishood badan.
4.Waa inaad tahay qof qurux badan soo jiidashana leh.
Hadii aad tahay gabadh ama wiil ku dadaal sidii aad u ogaan laheyd qofka aad jeceshahay waxyaabaha uu xiiseeyo ama balwadiisu tahay adigoo aan weydiin qofka aad jeceshahay, Balse raadi waddo kale oo aad ku ogaan karto sida adigoo ka wareysanaya saaxiibkii ama saaxibadeed adigoo aan lagaa dareemin u jeedkaadu waxa uu yahay.
6.Mar walba uga sheekeey qofka aad jeceshahay waxyaabaha uu xiiseeyo.
Ogoow jaceylku indha malahan, Qofka uu qalbigaagu raacay hadii uu yahay qof balwadiisu wanaagsaneyn ku dadaal sidii aad uga waanin laheyd adigoo hadalo macaan kula hadlaya.
8.Qofka aad jeceshahay hadii uu yahay qof kaa fog oo aad laba wadan ku kala nooshihiin ku dadaal sidii aad u xiriirin laheyd mar walba adigoo telifoon kula hadlaya ama waraaqo lagu xardhay ereyo qalbiga u roon ugu diraya aalada casriga ah ee internetka, Hadiise aad hal wadan wada joogtaan, ama aad meel kawada shaqeysaan waa inaad mar walba ku soo dhaweysaa waji furan oo ay farxadi ka muuqato.
9.Qofka aad gaclootay hadii uu kaa fogyahay ama meel wada joogtaan noqo qof ka warqaba oo la qeybsada farxad iyo murug wixii soo wajaha.
Noqo qof loo xiiso marka uu maqanyahay iyo marka uu joogo.
Waa inaad tahay qof mar walba ilaaliya balanta.
13.waxaad ogaataa in kalsoonida aad ku kasban karto, waana inaad si weyn ugu kalsoonaato.
waa lagama maarmaan in aad faraxsanaato intaad qalbiga kaa jeeda aad kasoo jeedsan
Guntii iyo gabagabadii hadii aad intaa sameyso adigoo alle ku xiran waxaa xaqiiqa ah inaad kasbaneysid qalbigii kaa janjeeray waliba adoo afkaaga uga sheegan jaceylka aad u qabtid oo uu isaga kaalasoo hormari doono jaceylka aad qalbigiisa ama qalbigeeda ku abuurtay.
Waxaan ku soo gabagabeynayaa qoraalkeyga in aad dhalinyahay noqotaan kuwa ka fogaada waxyaabaha xunxun ee ay reer galbeedka ku dhaqmaan oo aanay diinteena islaamka waafaqsaneeyn.

No comments:

Post a Comment