Naas nuujinta faaido aad u wayn ayaa ku jirta, ilaaheyne quraankiisa in laba sano la nuujiyo cunuga ayuu ku sheegay.
Waxaan isku dayayaa inaan idiin soo koobo faaidada naas nuujinta ay u leedahay cunuga iyo hooyadaba.
Faaidada ay u leedahay hooyada:
Uma baahna diyaarin
Dhaqaale ahaan, waa cuntada aduunka ugu raqiisan
Waa cunto waqti walba diyaar ah, habeen, maalin iyo meel walba aad joogtid
Waxay saacidaa minka unuu xirmo oo dhiiga istaago markii haweenka ay dhalaan
Xiriirka hooyada iyo cunuga ayuu siyaadiyaa (Emotional satisfaction)
Wuxuu yareeyaa cancerka ku dhaca naasaha haweenka
Wuxuu dheereeyaa, ilmahaaga waqtiga u kala dhaxeeya (birth spacing) taasoo ka qeyb qaadata (Family plannig)
Faaidada ay u leedahay cunuga:
Waa cunto dabiici ah oo isku dheeli tiran, lagana heli karo wax kasto oo nafaqo ah oo uu u baahanyahay cunugaaga.
- waxaa ku jira lactose badan kaasoo keena "Glactolipids + Fatty acids" kuwaasoo ka qeybta koriinka maskaxda, diraaso cusub oo la sameeyay waxa ay sheegtay ilmaha la nuujiyay ay ka maskax sareeyaan ilmaha aan la nuujin.
- Waxaa kaloo caanaha hooyada ku jira "Cholesterol" kaasoo ka qeyb qaata xuubid saarida neerfaha iyo ka hortaga inuu dhiiga fadhiisto xidida.
- Proteinka ku jira caanaha hooyada waa brotiinada ugu sahlan ee caloosha ay shiido karto.
- Phosphate-ka ku yar caanaha hooyada waxay ka hortagtaa inuu calcium-ka yaraado, kaasoo aad ugu muhiimsan ilmaha.
Waqti walbo diyaar, waa cuntada mar walbaa u baahato aad heli karto
Waa fresh mar walbo uma baahno in lagu daaro wax xifdiya.
Heer kulkiisa waa heer sare, mana qaboobo mana kululo
Caloosha wax dhib ah uma keenaan, si sahlan ayaa lagu shiidaa, si sahlane xiidmaha waa looga dhuuqaa taaso ku saacida cunuga inuu safiican u hurdo safiicane u koro.
Caadifada ayey siyaadisaa
Cunuga hooyadiis kama fogaanayo, iyadaa koriinkiisa ku dadaaleyso
Caanaha hooyada infection-ka way ka hortagaan noocyadiisa kala duwan
Caanaha hooyada waxaa ka buuxa waxii ka hortagi lahaa "Inflammations" sida Vitamin C iyo E.
Caanaha hooyada waxaa ku jira wixii ka hortagi lahaa xasaasiyad inuu qaado cunugaaga "anti-allergic", taasi oo yareyneyso cudurada qaar sida, neefta, sanboorka, iyo cuncunka maqaarka ku dhaca kuwaasoo laga keeno caanaha xoolaha.
Caanaha hooyada waxaa ku jira antibody IgA kasso albaabada ka xira proteino qalaad in laga dhuuqo xiidmaha, kuwaasoo qatar ku noqon kara ilmaha yaryar.
Ilmaha hooyadood naas nuujisay, waxay ka badbaadaan cudurka lafaha qaloociya ee "Rickets", maxaa yeelay caanaha hooyada waxaa ku badan Vitamin D iyo Calcium/Phospate isku dheeli tiran
Caanaha hooyada waxay ka hortagaan in ilmaha ay ku dhacdo dhiig yari.
- Caanaha hooyada waxaa ku jira bir 2 jeer ka badan inta caanah lo'da ku jirta
- Caanaha hooyada waxaa ku jira waxyaabo u kaalmeeya ama saacida in birta si sahlan looga nuuqo xiidmaha
- Birta ku jirta caanaha hooyada saxarada ma soo raacdo caksiga kan lo'da
Ilmaha la nuujiyay ilkahooda way ka koriin fiican yihiin ilmaha aan la naas nuujin
Caanaha hooyada looga baqi maayo, inay uraan amaba sumoobaan oo ilaahaa meel xafidan galiyay
xigasho dr mahdi
soomlidoc.com
No comments:
Post a Comment