mvn

Wednesday, June 29, 2016

faaiidooyika laga helo wax akhriska dan



Buuggu wuxuu noqon karaa xiddig iyo dab baxaya oo iftiimiya mugdiga, isla markaana inagu hoggaamiya caalamka ballaadhan” Madeleine L’Engle.
Akhrisku waa furaha cilmiga iyo xaddaaradda. Taa waxaa marka ugu horraysaba ka markhaati kacaysa inuu yahay akhrisku wixii ugu horreeyay ee la faray Nebigeennii suubbanaa CSW, isaga oo Alle SW ku soo dajiyay “Akhri” Suuratul Calaq. In cilmiga la raadsado waa waajib saaran qofka muslinka ah. Haddaba raadinta cilmiga waxaa fure u noqday akhriska, oo ah ka kuu furfuraya nolosha cilmiga. Markaynnu ogaanno faaiidada wax akhriska ayaynnu garan karnaa waxa innaga maqan haddaynaan akhrinin, waxa badan inta garanaysa sida wax loo akhriyo balse aan uga faaiidaysan korodhsashada cilmi cusub iyo daah furka xoga cusub.
Faaiidooyinka wax akhriska
1.     Cilmi korodhsi: la saaxiibidda buuggu waa furaha cilmiga iyo kobcinta garashada, waa mid cidina aanay diidanayn in cilmigu yahay midka la isku dhaafay adduunka, maamulka, warshadaha iyo technology-da casriga ahi waa qaar u baahan cilmi ka dhigan waayo aragnimo in badan la qorayay oo ku dhigan buugaagta, waxaana ka faaiidaysan kara kuwa wax akhriya. Ummadiba ummadda ay ka aqoonyahano badan tahay ayay ka horumar badan tahay, haddaba qofka waxa akhriyaa waa hanta qaran oo miisaan u leh bulshada una sahli kara inay ka mid noqoto ummad sare oo ixtiraam mudan.
2.     Garashada mabda’a saxda ah: inaad noqotid qof akhriyay aragtiyaha nololeed ee adduunka laga isticmaalo iyo fikirka bulshada caalamku waxay ku tusi kartaa fahanka nolosha dhabta ah iyo garashada xaqa, naftaadana waxaad fursad u siisay inay hesho mabda ay ku badbaadi lahayd, kuna noolan lahayd farxada iyo dagnaansho.
3.     Horumar iyo xaddaarad: dadka waxa akhriyaa waa barta ay ka bilaabmanto horumarka iyo xaddaaradda ay ummadi gaadhaa, waayo waxay wax ka fahmaan taariikhdii ummadihii hore iyo xaddaaradihii hore, si ay u ogaadaan sababihii keenay hoos u dhaca iyo kor u kaca xaddaaradihii bulshooyinkii hore, casharkaasi oo noqda mid ay ku dabaqaan bulshada ay la nool yihiin uguna tilmaamaan wadada horumarka, kana digaan dariiqa hoos u dhaca iyo burburka.
4.     Garashada shakhsi: gaar ahaan qofka wuxuu u leeyahay akhrisku faaiido ah, miisaan shakhsiyeed iyo inuu garto dariiqa uu ku guulaysan karo iyo ka ay dhib kaga iman karto, qofku wuxuu wax ka akhriyi karaa caafimaadka waxaana uu daah furi kara xaaladiisa caafimaad iyo siduu naftiisa u ilaalin lahaa. Waxaynnu odhan karnaa akhrisku qofka wuxuu tusaa dariiqa saxda ah ee ula macaamili karo nolol maalmeedkiisa isaga oo aan siyaadsanayn guuldarro iyo dhib.
5.     Akhlaaq: Akhrisku wuxuu qofka u kordhiyaa cilmi, cilmiguna wuxuu qofka u kordhiyaa akhlaaq, miisaan iyo sharaf. Qofku wuxuu noqdaa mid dhawrsoon oo fahma inay shakhsiyadiisu tahay mid noolaan doonta xataa isaga dabadii oo aan waligeed dhimayany, wuxuu u noqdaa xakame ka qabta wax kasta oo aan haboonayn oo og yahay wax kaga iman kara. Qofku marka uu yahay qof cilmi leh wuxuu ka dhigan yahay qof ay ka buuxdo dagnaansho halka qofka kale uu ku sifoobo dagdag, waxana ay ka dhigan yihiin daasad buuxda iyo mid madhan.
6.     Abaal marin: Qofku wuxuu xagga Alle SW kaga helayaa abaalmarin uu ku helayo inuu bartay wax naftiisa anfacaya oo ah cilmi aakhiro iyo mid adduunba. Waana waajib inuu qofka muslinka ahi raadsado cilmiga, waxaana ay u tahay horumar ummadda islaamka ah inaad ku soo kordhiso wax ka maqnaa, wuxuu Alle SW kor u qaadaa darajooyin kuwa cilmiga leh, Siduu ALLE SW ku yidhi suuratul Mujaadala: “Alle wuxuu kor uqaadaya kuwa rumeeyay ee cilmiga ka gaadhay darajooyin” “Mujaadala 11”
7.     Farxad galinta nafta: Akhrisku waa hab wanaagsan oo qofku kaga faaiidaysan karo waqtiyada firaaqada si uu nafta u dajiyo una raali galiyo isagoo waqtiga ku qaadanay wax faaiido u leh naftiisa iyo dadka ka ag dhawba. Buugu waa saaxiib wanaagsan oo qofka la hadla waqtiyada uu u baahan yahay hadal, waa saaxiib u baraya dad badan kuuna samaynaya bulsho isaga ku dhex nool oo sheekooyinkiisa, xikmadihiisa iyo cilmigiisa ka dhex muuqda. Buugu wuxuu ka dhigayaa mid la nool dad aanad arag, aanad aqoonin, noolaa waqtiyo hore ku noolaa meel fogfog.
Alle ha inagu simo dhamaanteen cilmi ina anfaca iyo camal wanaagsan.





 xaquuqda Cabdiqani Muuse Xasan
Source: http://weedhsan.com/index.php/component/content/article/8-war/6879-ahmiyadda-akhriska-w-q-cabdiqani-muuse-xasan

No comments:

Post a Comment