mvn
Wednesday, June 15, 2016
maxaa keen sonkorowga
Sonkorowgu waa cudur uusan jirku si haboon uu isticmaali karin cuntada quwad ahaan. Unugyada tirada badan ee jirka ku jira waxay u baahan yihiin shidaal ay ku noolaadaan oo ku koraan.
Jirku wuxuu u jejebiyaa cuntada aad cunto inta badan nooc quwad ah oo loo yaqaan sonkor (glucose). Glukoos waa eray kale oo la yaqaan sonkorta. Insuliin waa hormoon ku caawiya sonkorta inuu ka wado dhiigga oo geeyo unugyada jirka.
Insuliinka jirka waxaa sameeya beeryarta (Pancreas). Qof ma noolaan karo Insuliin la'aan.
Sonkorowga, waxaa jira hal dhibaato ama ka badan oo insuliinka ah. Kuwaas waxaa ka mid ah:
Beeryarta oon insuliin samayn (Nooca 1 sonkorowga)
Beeryarta oon samayn insuliin ku filan, ama jirka oon isticmaali karin insuliinkii uu sameeyey (Nooca 2 sonkorowga).
sidee baan udareemi karaa
Qof walba si gooni ah ayuu uga jawaabaa sonkorowga. Qaar ka mid ah calaamadaha digniinta ee sonkorowgu waa:
Biskood soo daaha (tartiib)
Awood darro (awood la'aan ama kacsi la'aan)
Fursad culays (kordhid ama lumid)
Aragti caad leh
Kaadi tiro badan
Oon
Noog xad dhaaf ah / daalid
Hurgun jirka ah iyo cuncun
Dadka qaarkood ma oga inay sonkorow qabaan waayo ma qabaan calaamadaha digniinta. Sonkorowgu dhakhso ayuu soo baxaa, asagoon digniin lahayn. Mararka kale si aayar ah ayuu u soo baxaa, dhawr bilood.
sideebuu dr ku ogaaan karaa
Waxaa jira dhawr dariiq oo dhakhtarku u baari karo hadaad sonkor qabto. Waxaa ka mid ah:
Baaridda Dhiigga
Baaridda dhiigga ee ugu caansan oo la sameeyo si loo helo haddii aad qabto sonkorow waa heerka sonkortaada. Haddii aad soomantahay heerka sonkortu waa 126 ama ka badan, inta badan sonkor baa la tuhmaa. Dadka aan qabin sonkorowga waxay leeyihiin in sonkorta markaad waxba cunin ay ka yartahay 110. Baaritaan dhiigag kale ayaa la samayn. Inta badan waxay u baahan yihiin inaadan cunin ama cabin waxba habeenkii. Maalinta xigta waxaad u aadi doontaa xaafiiska ama shaybaarka baaritaan dhiigag socda 2 ama 3 saacadood.
Baaritaan Guud
Dhakhtarku mararka qaarkood wuxuu kaa heli karaa calaamadaha sonkorowga korkaaga asago samaynaya baaritaan.
Calaamadaha iyo Sumadaha Sonkorowga
Asago kula hadlaya, dhakhtarku wuxuu heli kara inaad qabto dhawr calaamadood oo sonkorow ah sida kabuubyada ama gubasha cagaha iyo lugaha iyo kacsi la'aanta.
Isticmaalka baaritaanka dhiigga, baaritaan jireed iyo weydiinta calaamadaha digniinta iyo sumadaha, dhakhtarku wuu ogaan doonaa haddii aad qabto sonkorow.
sidee baa loodaweeyaa sonkorowga
Natiijada daaweynta noocyada sonkorowga oo dhan waa inaad heerka sonkorta ku haysa sida ugu dhaw caadiga (heerka qiyaasta 80-120). Si loo sameeyo tan waa cuntada laysu dhelli tiro, daawada (insuliin ama tan afka / kiniin) iyo jimicsi ayaa loo baahan yahay.
Aad bay muhiim u tahay in aad loo barto sonkorowga inta aad awoodo. Meelaha ugu muhiimsan waa cuntada, daawada iyo dhaqdhaqaaqa. Barashada sonkorowgu waxay kaa caawimaysa helida xogta, xirfadda iyo isku filaanshaha aad u baahan tahay. Wax badan ood ka ogaato sonkorowga, si wanaagsan ayaad u xadidi doontaa.
maxaa keeno sonkorowga
Qofna ma yaqaan waxa keena sonkorowga oo saxa ah. Waxaanu ognahay in sonkorowga uusan ahayn cudur fudud. Waxaa jira sababo badan oo keena. Cilmi baarista waxaa lagu helay dhowr sababood oo qofka gelin kara khatar weyn si u qaado sonkorowga. Khatarahaas waxaa ka mid ah:
Kolostrooka HDL oo le'eg ama ka yar 40 iyo/ama heerka triglyceride oo ka weyn 20 mg/dl
Dhiig kar le'eg ama ka koreeya 140/90
Taariikh qoys ee sonkorow (Dhaxal)
Walaac iyo walwal (cudur, dhaawac)
Fayrus (nooca I sonkorowga)
Daawooyinka qaarkood (steroids)
Dhibaato sistamkaaga difaaca (nooca I sonkorowga)
Cimri (40 sano iyo ka kor)
Aad u cayilan iyo/ama fadhiya
Qabitaan sonkorow inta Uurka leedahay ama dhalid cunug ka culus 90lbs.
Midabka (sonkorowgu wuxu ku badanyahay Madowga, Isbaanishka, iyo Maraykan dhaladka ah)
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment