Sideed Ku Garan Kartaa Waxay Ka Fakarayso Ama Ay U Baahantahay Gabadhu?
Ogaanshaha
maskaxda Dumarka waxa ka dhex-guuxaya waa riyada uu ninkasta oo reer
leh ama wadadeedii hayaaba leeyahay,fahanka caqliyada gabadhuna waa
arin kakan oo dadaalkeeda iyo adkaysigeeda u baahan oo mutaysatay in la
badiyo isku dayada.
Haday taasi kuu suura gashana waxaa kuu fududaanaysa kasbashadeeda raali galinteda iyo badhaadho galinta nafteeda iyo taadaba.
Hadaba waxa muhiim ah in aynu dhawr qodob barano si aynu guul u gaadhnana dhaqan galino.
1: Waa inad ogaataa Dumarku waxay doonayaan inay Diidaan: Taas
markad la kulanto waxa laga yaabaa inad ka niyad jabto fahankooga marka
ugu horaysaba,Waayo dumarku way kala gedisanyihiin siday raguba u kala
duwanyihiin kaliya waqti iyo dadaal badan kadib waxaad noqon doontaa mid
awooda fahankooga sida ugu fiican.
2: Si fiican u dhagayso: Amaahi dhagahaaga iyo dareenkaaga oo dhan marka ay kuu sheekaynayso iska jir wax kasta oo ku mashquulin kara.
Arimaha qaarkood waxay kuugu shegi doontaa odhaah ahaan,halka qaar kalena tilmaamaha jidhka ay kugu soo gudbin doonto .
Waa
muhiim inad fahanto odhaahdeeda iyo siday nafteeda u cabirayso .
waxaanay kuu sahlaysaa inaad barato dabeecadaheeda,farxadeeda iyo
waxyaabaha ay necebtahay.
3: Hana noqonin kaligii taliye: Ha
isku dayin inaad amar la timaado balse waydii waxaanay ogayn, siday wax
ku ogaan kartana ugu dhig hadalka , ku siin mayso warcelino aad ku
qanacdo balse haka niyad jabin isku dayga.
Dumarku waa duul xasaasiyiin ah markaa ula dhaqan qaab dagan oo aad u raali galiya.
Dumarku waa duul xasaasiyiin ah markaa ula dhaqan qaab dagan oo aad u raali galiya.
4: Daganaansho: Si ay gabadhu kuugu sheegto waxa maskaxdeeda ka dhex guuxaya waa inad dareensiisaa amni iyo xasilooni dheeraada.
Hubso inay dareemayso nabadgalyo intaanad filan inay kuu sheegto sirteeda.
Qodobadaa
kooban ee aynu xusnay hadaad fahanto Allena la kaashato,waxaan kuu
hubaa inaad noqon doonto mid hanan kara qofka noloshiisa la wadaagay ama
la wadaagi doona.
No comments:
Post a Comment