Wax kaste ma isku dayday si aad u caddeyso ilkahaga, walina wax horumar ahna maad weysantahey?
Waxa hubaal ah iney qaali tahey ilkaha oo dakhtar ku cadeeya. Qaabkan sahlan oo lacag aan saas u badneyn kaga baxeyn ayaa ilkaha ku cadeynaya oo isbadal weyn waqti yar ku keenaya.
Faroowlah (strawberry) iyo leebito 'kicisada burka' (baking soda) ayaa kuu sahlaya inaad adiga gacantada ku caddeysato ilkahaga. Maadooyin (Malic acid, sodium bicarbonate) ku jira farowlaha iyo kicisada burka ayaa wasqada ilkaha ku dhagta si sahlan uga baabi'iya, sidoo kale ka nadiifinaya wasaqda ilkaha dhex gasha.
Maxa u baahantahey:
- Hal farowla ah
- qaando badhkeed oo kicisada burka
- buraashka ilkaha
Isticmaalka:
- Daqiiq farowlaha markaas ku dar kicisada burka
- buraashka kisto mari markaas ku cadayo
Wax laba isbuuc ka yar ayaad arki doonta natiijada taasoo isbadal aad ka dareemeysid ilkahaga.
Ilkaha cadaanka ah waxey kusoo jiida qurux zaa'id ah.
qalanjo
No comments:
Post a Comment