Cilmibaaris dhawaan lagu sameeyey dalka Kanada ayaa daahfurtay in carruur badan oo ay gabadhu dhashaa ay tahay xalka ugu mucjisada badan ee iminka la ogaaday in lagula dagaallami karo gabowga dumarka. Iyada oo laga dheeraanayo qalniinada qurxinta iyo kareemada dawada ah ee hadda loo isticmaalo ilaalinta muuqaalka dhalinyaranimo.
Cilmibaarayaal ka tirsan jaamacadda Simon Fraser ee dalka Canada ayaa sheegay in cilmibaaristoodan ay ku ogaadeen aragti burinaysa fikirkii hore loo aaminsanaa ee sheegayey in ubad badan oo gabadhu ay dhashaa uu cimri degdeg ku keenayo.
Cilmibaaristan oo lagu baahiyey majaladda Plus One ayaa khubaradu ku sheegeen in tijaabooyinka ay sameeyeen xaqiijinayaan in dumarka carruur badan dhala uu kor u kaco celceliska dheecaanka Telomeres ee uu jirkeedu soo saarayo, iyada oo la og yahay in dheecaankan uu masuul ka yahay ilaalinta nolosha, quruxda iyo dhalinyaronimada jirka. Haddii dheecaankani yaraadana waxaa dhaca cimri degdeg jirka iyo unugyadaba gaboojiya.
Waxaa kale oo ay khubaradu sheegeen in hormoonka Estrogen oo jirka gabadhu uu aad u soo saaro xilliga ay uurka leedahay uu isna jirka kala dagaalamo sumowga, isla markaana uu unugyada ka ilaaliyo in uu gabow ku yimaaddo.
Waxa intaas dheer sababo nafsi ah oo ay ka mid tahay in hooyada ubad badan dhashaa ay inta badan, qoyska iyo qaraabadaba ka hesho taageero dheeraad ah oo nafsi ah iyo mid bulsho taas oo korisa isla markaana ilaalisa hormoonnada iyo dheecaanada dib u dhiga gabowga.
Cilmibaarisyo hore ayaa iyaguna sheegay in tijaabooyin cilmiyan ah lagu ogaaday in uurka iyo umushuba ay dib u cusboonaysiiyaan unugyada jirka ku jira taasoo sababta in gabowga uu xitaa waqtigiisa caadiga ah ka sii dib dhaco.
No comments:
Post a Comment