Cayilka (Overweight) ama Cayilka xad dhaafka ah (Obesity), Waa leeyahay Dawooyin laakiin maaha Qaar badiyaa wax kuu taraya hadii aadan la iman go'aanka ah inaad iska dhinto misaankaada. (Motivation)
Xusuusnaw In cayilka xad dhaafka ahi horseedo cudurada Wadnaha iyo kuwa neefsashada, Khatar joogto ahna ku yahay caafimaadkaaga guud ahaaneed.
Hadaba Talaabooyinka Soo socda ayaa lagaa rabaa inaad qaado si aad u dhinto miisaankaada.
1- Diet (Maaraynta Cunnada)
- Raashinka aad cunayso ku dadaal inuu ahaado mid ay ah (Low-carbohydrate ,High fiber, monounsaturated fats) **
- Maalintii 4-5 jeer wax cun, Laakiin ku dadaal inaad cunto wax yar oo aan ku dharjin
[/list
2-Exercise(Jimicsiga)
Jimiciyada dhakhaatiirtu ku taliyaan waxa laga bilaabaa kuwooga fudud sida
*Talaabada (Brisk walking) 3.5 saacadood usbuuc walba (30-60 minutes maalin kasta)
*Dabaasha (Swimming)
*Beer-falista(Gardening)
Hadii aad tahay qof dhalinyaro Gym is qor oo ku dadaal Jimicsiyada fudud (Aerobics) sida Orodka.
Laakiin maadaama aad qof muslim ah tahay, Ku dadaal soonka Naafilada ah./ sunada ah Sidoo kale Xadiiskii ahaa
?? ? ? ? ?? ?? ?
Daawaynta (Medications)
Ilaa imika Hal daawo ayaa jirta oo loo ogolyahay in oo la yidhaa (Orlistat "Xenical") Laakiin...
Daawada waxa ay leedahay dhibaatooyin fara badan, oo ka daran kuwa cayilka laftooda, dhaqtar la'aantiina ma kuma talinayo inaad isticmaasho, inta badan iyada wax laba bilood ka badan ma isticmaalaysid.
Daawo kale ayaa jirta "Reductil" Laakiin Hadda dunida inteeda badan waa ka mamnuuc waayo waxay sababtay dhimashooyin farabadan. Iska jir inaad ka iibsato suuqa madaw....
Gunaanadkii, Daawooyinka adeegsigooda dhibtooda ayaa ka badan dheeftooda, Habka ugu haboon ee loo dhimo miisaanka uu yahay Maaraynta Raashinka iyo Jimicsiga, Waxaas oo dhanna waxa ka horeysa, Rabitaanka Qofka iyo dadaalkiisa....
xigasho soomalidoc.com
No comments:
Post a Comment