mvn

Thursday, July 14, 2016

xasaasiyada ama arlajiga ama caaro



Xasaasiyad (caaro ama alaraji)


Mararka qaarkood ayuu jidhku diidaa waxyaabo aan halis aheyn. Waxa markaa la yeelan karaa in indhahu ilmeeyaan oo cuncunaan, sanka oo da’a, dhuunta oo jidhiidhicoota, finan, cuncun, barar iyo meelo biyo ku ururaan. Maadadaha dhalin kara jidh diidkan waxa ka mid ah tusaale ahaan cuntooyin kala duwan, maadadaha wax lagu nadiifiyo, manka ubaxa ee hawadu sido, boodhka iyo xayawaanka.


Dad badan ayaa xasaasiyad ka yeesha manka (pollen) ka soo daata noocyo kala duwan oo doogga ka mid ah, geedka bjørk la yidhaahdo iyo dhirta kale. Fidista manka ee dhirtan ka soo daadata waxa uu ugu xoog weyn yahey gu’ga (våren) iyo xagaaga (sommeren). Dhirta kala duwani waxey ubaxa bixiyaan xilliyo kala duwan, waxa markaa qeyb ka qaata fidista manka dabeysha iyo hawada. Waxa markaa fiican in ogeysiiska manka lagala socdo wargeysyada maxalliga ah.
Qiyaastii boqolkiiba afartan (40 %) dadka Norwey deggan waxey leeyihiin nooc xasaasiyad ah. Dawooyin ayaa loo hayaa xasaasiyada. Dawooyinka qaar ka mid ah looguma baahna warqad dhakhtar, markaa waxa farmasiga laga heli karaa caawimo si loo helo dawooyinka sax ah. Dawooyinka kale waxa lagu heli karaa iyada oo warqad laga soo qaato dhakhtarka. Sideedaba waxa fiican in dhakhtar loo tago si loo ogaado nooca cuddur.
Marka meel cusub loo guuro, waxa la yeelan karaa xasaasiyad aan hore loo laheyn. Waxa tan keeni kara taabashad maadado aan la aqoon oo dabeecada ka mid ah, cunto cusub iyo wax la mid ah
End template: tmpl/stofftyper/artikkel.html End fragment: frag/stofftyper/artikkel.php


No comments:

Post a Comment