mvn

Wednesday, July 13, 2016

halkaan ka akhriso sababta dhalinyaradu u jecelyihiin hurdadada maa lintii

Dad badani waxa ay aad uga cawdaan inay aad u jecelyihiin inay subaxii hurdada ku raagaan ama galinka danbe, hurdada ka kici waayaan, taa badelkeedana habeenkii soo jeedka jecelaystaan, waxaanay dabeecadani aad ugu badan tahay dhalinyarada iyo da’da dhex ee dadka, iyaga oo aad ugu yar dadka waa weyn oo qofba qofka uu ka weyn yahay hurdada maalinmo ku yar taha. Aroortiinaa aan jeclaysan in ay jiifka ku sii raagaan, habdhaqankan oo dhalinyaro aad ubadani dhibaato ay ka haysato, dalalka dhaqaalahoodu sareeyaa waxa ay aad ula dhibaataysan yihiin dabeecadan, waxa aanad arkaysaa dhalinyarada 30jirka ka hooseeya, oo habeen oo dhan doonaya in ay soo jeedaan waxa kasta ha ku mashquulaane, Subaxiina lagu kari la’yahay inay hurdada ka kacaan. Dhakhaatiirta oo arrintan ka hadlaya waxa ay sheegeen in jidhka aadamuhu soo daayo dhecaan loo yaqaano milatonin,kaasi oo qofka ku rida caajis iyo wahsi badan oo uu qaado isla markaana jeclaysto inuu maalinkii hurdo habeenkiina siraato. Arrintaasi oo gabi ahaanba khilaafsan sunaha nolosha aadamaha, oo ay ahayd in uu qofku maalinkii soo jeedo, xoogsado waxna barto, habeenkiina nasto oo seexdo. Dhakhaatiirtu waxa ay dheecaankan ku tilmaameen mid aad ugu badan jidhka dhalinyarada gaar ahaan habalaha da’doodu ka yar tahay 22jirka. Maadadan waxa kobciya qayb ka mid ah cuntooyinka tamarta u badan, waxaanay aad ugu badan tahay dhalinyaradas

No comments:

Post a Comment