Dhallida qallinka, dhakhtarku wuxuu sameyn doonaa jeexdin gumaarka korkiis ama caloosha qaybteeda hoose iyo ilmo galeenka oo laga soo bixin doono cunugga. Waa inaad maskaxda ku haysaa dhalida qallinku uu marwalba suuragal noqon karo, inkastoo haween badan suragalkaas uu mid yar yahay.
Sababaha Qalliinka
- Xaaladaha qaarkood rabitaanka qalliinku horey baa loo saadaalin karaa waxaanad heli karta wakhti aad isugu diyaariso waxaana ka mid ah:
- Daba keen (Cunuggu markuu u yimaado lugaha ama bowda marka hore).
- Gudub (Cunuggu marku u yimaado dhinac).
- Xaalada kale go'aanka qallinka waxaa suubindoona dhakhtarka, haddii ay jiraan dhibaato degdeg ah inta foosha socoto. Waxaa ka mid ah:
- Miskaha oo yar ama cunugga oo weyn.
- Cunugga oo mushkilaysan oo macnaheedu yahay in uusan u dulqaadan karin foosha.
- Dhiig bax ka yimaada xubnaha dhalmada macnaheedu wuxuu noqon karaa iyado ay jirto dhibaato ebida iyo cunuggaaga oon helayn dhiig ku filan, ogsijiin iyo nafaqo u marta xudunta.
- Sababo kale oo keena qalliinka waxaa ka mid ah:
- Dhibaato cafimaad oy ka mid tahay sonkorowga, isqaadasha la'aanta dhiiga ama casabiyada dhiiga oo kacsan.
- Jeermiska cudurka dhliya oo firfircoon lana xiriita minka afkiisa, candhada ama faruuryaha, sida heerbiska (waa cudur gala maqaarka keenana maqaar dildilaac).
U Diyaar Garowga Qallinka
Intaan qalliinku dhicin waa inaad waxyabahan soo socda sameeysa:
- Saxiix ogolaansho qalliinka
- Dhiig qaadid
- Caloosha dhiqid iyo xiirid
- Bilow faleebe "Canula" iyo kaadi soo qaade lagu gesho.
- Waraysi uu dhaqtarka suuxdinta kula yeesha.
Ilmaha lagu Qalay ama Uurdoox
Jeexdin ayaa lagu sameynayaa darbiga caloosha iyo ilmo galeenka. Jeexdimahaas waxay noqon karaan kor ama hoos (dherer) ama (gudub). Cunugga iyo ebidaba waxaa laga dhalinaya jeexdintaas daqiiqado yar gudahood marka qalliinka la bilaabay. Dabadeed jeexdimaha waa la xiri doona iyadoo qaadan doonta ila hal saac. Qalliinka ka dib, waxaa laguu dhigi doona qolka so naaxidda. Inta waqtigaas socdo dhiigaaga, xididkaaga xawliga neefsigaaga iyo dhayida jeexdintaba si joogta ah ayaa loo eegi doona. Waxaad fiiro u yeelan doonta dhiig bax fara badan.
Daryeelka Qalliinka Ka Dib
- Si caadi ah waxaa sariirta joogi doonta 6-8 saac oo qalliinka ka dambeya. Dabadeed waxaa lagugu boorin doona dhaqdhaqaaq ayado lagu caawinayo.
- Dhuunta kaadida qaada "kateetar" waa lagaa saari qalliinka ka dib. Faleebaha waa la wadi doona ilaa aad awoodo cunid iyo cabid.
- Daawada xanuunka bi'sa waa lagu siin doona haddii aad rabto.
- Inta badan, haweenku waxay cusbitaalka kaga tagaan 2-4 beri ka dib dhalida uurdooxa.
- Urdooxidu marnaba ma hor istagayso nuujinta cunuggaaga.
- Waxaad u baahantahay nasiino ka badan haweenka hoos ka dhalay, waxay qaadata 4-6 asbuuc intaad si buuxda dib ugu noqon lahayd xarakaadkaagii.
Uur Yeelashada Mustaqbalka
Haweenka qaarkood waxay awoodaan inay caadi u dhalaan uurarka soo socda sikasto uurdooxid loogu sameyey. Kala munaaqashood tan dhakhtarkaga.
xigasho soomalidoc.com
No comments:
Post a Comment