mvn

Saturday, July 16, 2016

sida ugu fududu ee aad ku heli karto ilko qurux badan oo cadcad




Ilkaha oo yeesho magar ama digir waxa keeni karo daawada, cunnada iyo walxo kalaba.

Cunnooyinka ugu caansan ee ilkaha

magarta u yeelo waxaa ka mid ah:

kaffeega madaw, shaaha, khamariga gaduudan, kookakoollada, basbaaska, miraha tuutka, shiishiidka, khalka lagu darsado qudaarta khaas ahaan kuwa kalarka leh.


Daawooyinka qaar badan oo ay ka mid tahay daawada amoxcillinka iyo cabitaannada qaar oo ay ku badan tahay maadada floride-ka waxay ilkaha ku yeelaan magar.

Ilkaha oo midabkoodu is badalo wax caafimaad darro aan ka ahayn quruxda ilkaha oo dhunto ma keenaan, waxay takhaatiirta ilkaha dadka ka cabanayo ilkaha noocaan ah way u caddeeyaan iyagoo isticmaalo qalab loogu tala galay, dadka isticmaalayo aashitada iyo waxyaabaha kale oo halista ku ah ilkaha iyo ciridkaba oo keeni karo in ay dilaan unugyada ama caabuqba keenaan, waxaa heysato aqoon darri.

Midda kale qof jecel ama rabo in ilkahiisa ay midab kale yeeshaan ma aqaanno sababta uu ku doortay, badanaana dadka waxay ka walwalaan sidii ay ku heli lahaayeen ilko cad oo nadiif ah laakiin ma maqlin dad ilkaha in ay midabkooda badalaan rabo.

No comments:

Post a Comment