Ma dareentaa qalbi jab marka la soo gaaro maalmaha dhalashadaada oo ma dareentaa inaad duqowday? Ma ka walaacdaa in jirkaada uu soo bandhigo astaamaha da’da?
Haddii jawaabtaadu ay Haa tahay, waxaad ogaataa in arrintaasi ay tahay mid guud oo lagula wadaago welibana dhalinyaro da’da labaatanaadka ku jira iyo ka badanba.
duuduubka, laalaabka, dhibcaha iyo tushtushka iyo calaamado kale ayaa muuqaalkaaga ka dhigi karo mid rafaadsan oo fool xun.
Waxaa se hubaal ah in dhammaanteen aan jecel nahay inaan dhalinyaro u ekaano muuqaal ahaan welibana caafimaad wanaagsan heysta nolosheena oo dhan, laakiin taasi suuragal ma ahan ahaan karto.
Si kastaba ha ahaatee qofku illaa xad waa uu ka hortagi karaa in jirkiisa laga dareemo calaamadaha duqnimada, wuxuuna ka muuqaal ahaan ka yaraan karaa da’diida rasmiga ah haddii qofku uu ku dadaalo caafimaadkiisa gaar ahaan midka maqaarka.
Haddaba haddii aad dooneysid inaad 5 sano ka yaraatid muuqaalkaaga, isku day inaad isticmaasho mask wejiga loogu talagalay.
Diyaarinta Mask Wejiga ee aad u baahan tahay:
1. Babaay – 1 jeex
2. Rose water – 2 qaaddo
3. Khayaar – 4-5 gabal
Iskudhiska babaayga, rose waterka iyo khayaarka aad ayay ugu wanaagsan yihiin jirka gaar ahaan inay ka dhigaan mid dhalinyaro ah oo ifaya, waxay nafaqo siiyaan unugyada maqaarka, iyagoo soo saara unugyo cusub, waxayna kaa dhigayaan dhalinyaro.
Haddii la joogteeyo waxaa la isku raacsan yahay in dhibcaha iyo duuduubka maqaarka ee da’du ay keento inay baaba’ayaan.
Sida Loo Isticmaalayo:
- Isku dar maaddooyinka kor ku xusan.
- Si wanaagsan iskugu qas maaddooyinka.
- Hadda mari wejigaaga.
- Sug illaa 15 daqiiqo.
- Iskaga dhaq shaambo qafiif ah iyo biyo qaboow.
Xigasho doorkahawaynka..com
No comments:
Post a Comment