mvn

Monday, August 29, 2016

cayga ama dhareerka kayimaada qofku markuu seexdo iyo sidaa ulatacaali lahay ama kudawayn lahayd halkaan ka akhriso












Dhareerka badan ee xilliga hurdada waa lagu kala duwanyahay oo calyo soo saarista waa lagu kala badan yahay.
Qaar wax yar oo aan la dareemi karin ayay sameeyaan, qaarka kale barkinta ayay iska qooyaan, qaarka kalane hurdada ayay ka soo kicisaa oo way ku sexdaanba.

Dhareerka urka badan wuxuu ka dhalan karaa dadka afka ka jiran ama jiifta iyagoo ilkaha cadaysan ama cirridka buka.
Wuxuu kaloo ku badan yahay dadka ka dheefsada afka oo sanka aanan isticmaalin taas oo qofka afka furan awgiis ay keensanayso in celyada ay u soo baxdo banaanka meesha laga rabay in la liqo.

Waxaad dhibaatadaan uga hortagi kartaa tillaabooyinkaan soo socdo:
1- Cadayso waqtiga aad jiifsayso
2- Haddii aad leedahay laab jeex ama caloosha oo soo rogmato, biyo badan ha cabin hurdada ka hor.
3- Is bar in aad sanka ka dheefsatid afkane isku qabso
5- Haddii aad ilko bolol ama suus qabtid ama cirrid jiran la xiriir takhtar oo iska daawey.
6- Haddii aad qabtid sanboor ama cabursanaan taasoo keensato in afka oo kala furan aad jiifatid iyadane iska daaweey.
7- Haddii aad quuman qabtid waxay keentaa calyo iyo dhareer aad u ur badan oo dheg dheg ah. - Iska daaweey.

Waxaa hubaal ah haddii tillaabooyinkaan aad qaadid in dhareer badan oo ur leh aadan iska arki dooninnaha insha'llah.

No comments:

Post a Comment