Jadeecada waxaa keena fayrus jeermis aad u xun wata. Ugu badanaan qof walba oo uu ku dhaco cudurkani wuxuu yeelan doonaa xummad aad u xun, firiiric oo bukaan ayuu ahaan doonaa. Carruurtu caadi ahaan waxay sariirta jiifaan ilaa iyo shan maalmood waxayna dugsiga ka fadhiyi karaan ilaa iyo toban maalmood. Dadka weyni waxaa suurogal ah inay waqti intaas dhaafsan sii bukaan. Lama ogaan karo qofka sida xun uu cudurka jadeecadu ugu dhici doono. Dhibaatooyinka jadeecadu waxay gaartaa 15kii carruur ahba hal. Dhibaatooyinka yimaada waxaa ka mid ah jeermis dhagta, laabta iyo marinnada hawada laga neefso ee sare ku dhaca, shuban, iyo qallalyo, iyo (marmar dhif ah) encephalitis (maskaxda oo bararta), ama waxyeello maskaxda gaarta. Mararka ugu xun, cudurka jadeecada waa loo dhintaa. Xataa carruurta caafimaadka badan ayaa u dhinta jadeecada.
Sidee ayay jadeecadu u baahdaa?
Cudurka jadeecadu waxa uu ka mid yahay cudurada ugu jeermiska badan ee laga war hayo. Qufac ama hindhiso ayaa baahin karta fayruska cudurka jadeecada oo ku baahin karta meel ballaaran. Jeermiskiisa aad u xun awgii, halis ayuu ku jira ilmahaagu in ay jadeecadu ku dhacdo haddii isaga ama iyada la tallaali waayo.
Ma hubo in ilmahayga hore loo siiyay tallaalka jadeecada. Maxay tahay inaan sameeyo?
Waxaad ka fiiriin kartaa diiwaanka caafimaadka ilmahaaga si aad u ogaato haddii halkaas lagu qoray. Haddii aanan sidaas la samayn, waxaad la xiriiri kartaa takhtarkaaga, maxaa yeelay waxay haystaan diiwaan.
Haddii uu shaki kaaga jiro waa in markaas ilmahaaga la siiyo talaalka. Waxyeello uma keenayso haddii hal jeer oo dheeraad ah la siiyo.
Tallaalada hal hal loo qaato ayuu ilmahaygu helay. Maxay tahay inaan sameeyo?
Carruurta la siiyay tallaalada hal hal loo bixiyo ee jadeecada, qaamo-qashiirta iyo rubella waa inay weliba qaataan MMR ( qaamo-qanshiir,jadeecada, jadeeco beenta). Tani sababteedu waxa weeye in aan la hayn daliil caddaynaya in tallaalada hal hal loo bixiyoo ee la isticmaalay ay keenaan ilaalin fiicnideedu la siman tahay ta uu keeno tallaalka isla socda ee isku jira.
No comments:
Post a Comment